Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo dhoolatus sameeyay xilli uu socdo mooshin culus + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
343784550_198264066331147_35119797923238

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa sameeyay dhoolatus weyn, xilli uu soo shaac baxay mooshin ay wadaan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka.

Ra’iisul wasaare Xamza oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Sacuudiga ayaa ugu maqnaa gudashada Cumrada, waxaana lagu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde.

Soo dhaweynta loo sameeyay ra’iisul wasaaraha oo ka duwaneyd kuwii horey loogu sameyn jiray ayaa kusoo aaday, xilli aad loo hadal hayo mooshinka ay ka wadaan xubnaha baarlamaanka, waxaana Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Golaha Wasiirada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Mudane Xamza Cabdi Barre oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in uu dadka iyo dalkaba ugu duceeyay in Rabbi nabadgelyo, Barwaaqo iyo midnimana ku gallado.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in sannadkani uu noqon doono mid ay dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed muddo gaaban gudahood dalka kaga sifeyn doonaan Al-Shabaab, isla-markaana Soomaaliya ay ku tallaabsan doonto guulo kale oo waaweyn oo ay kamid yihiin dhameystirka barnaamijka deyn cafinta, qabyo-tirka Dastuurka KMG iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dalkeenna Eebbe ku galaday.

Dhanka, kale ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu sii laba jibaaro shaqadiisa, si uu uga hortago abaabulka xilka looga tuurayo, waxaana qorshuhu yahay inuu bilaabo kulamo siyaasadeed oo uu la qaadanayo xubnaha beesha caalamka iyo xildhibaanada qudhooda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in mooshinka ka dhanka ah Xamza lagu diyaarinayo Nairobi oo ay haatan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wadaan xildhibaano kamid ah baarlamaanka, kuwaas oo raba in lagu rido xukuumadda aan sanad jirsan ee DanQaran.

Si kastaba, xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo xooggan oo la xiriira hab maamulkeeda iyo shaqada loo igmaday, ayada oo dhawaana uu weerar ku qaaday Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada.

343741145_764587981868992_42249796947934 343761312_916396272914690_38914804233553 343784550_198264066331147_35119797923238 343866737_4370530099912342_1538778132871 343927479_1169060450425714_7113069955458

The post R/W Xamza oo dhoolatus sameeyay xilli uu socdo mooshin culus + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this