Sign in to follow this  
Deeq A.

INDIA oo DF u sameysay ballan-qaad cusub oo la xiriira goobaha dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
343755809_778006543904148_52103679078446

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Hindiya ayaa maanta ballan-qaad cusub u sameysay dowladda federaalka Soomaaliya, kaasi oo la xiriira dagaalka ka socda dalka, gaar ahaan ahaan dhanka caafimaadka ee deegaanada ay how-gallada ka wadaan ciidamada dowladda.

Hindiya ayaa Soomaaliya ugu deeqi doonta shixnado daawo iyo qalab caafimaad ah oo lagu caawin doono dadka Soomaaliyeed, ee ku nool goobaha dagaallada xooggan ay ka wadaan ciidamada huwanta, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya kadib kulan uu wasiirka wasaaradda oo ku sugan Hindiya la yeeshay Xoghayaha Guud ee Galbeedka Aasiya, Waqooyiga & Bariga Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda India Dr. Pradeep Rajpurohit.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, Qunsulka ahna ku-xigeenka safiirka Cabdifataax Cabdullaahi Nuur iyo La-taliye sare Axmed Aadan Maxamed, iyada oo kulankaas looga hadlay in dowladda Hindiya fududeyso fiisooyinka caafimaadka, gaar ahaan dadka ku sugan xaaladaha deg deg ah oo aan awoodin in ay safraan.

Dhinaca kale, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa booqasho ku tagay cisbitaalka APPOLA ee ku yaalla Magaalada New Delhi, isagoo kormeeray qaybaha kala duwan ee cisbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa kala hadlay maamulka cisbitaalkaasi in dadka Soomaaliyeed ee caafimaadka usoo doonta laga ilaaliyo ka faa’iidaysiga, islamarkaana la siiyo adeegyo hufan.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday in loo sameeyo bukaannada Soomaalida macaamil gaar ah oo dhinacyada dhaqaalaha ah, iyada oo dowladdana ka dalbaday fududeynta fiisooyinka caafimaadka ee bulshada Soomaaliyeed.

Si kastaba, Soomaali badan ayaa caafimaad u aada dalka Hindiya, waxayna arrintaan ka caawin doonta bukaannada Soomaalida ah ee halkaasi adeeg caafimaad u doonta inay ka yareyso culeyso badan oo ay hore u wajahi jireen, haddey tahay helista fiisaha iyo arrimaha kale ee la xiriira safarkooda.

343746516_909247986853096_20722662906430
343792958_1299521034300453_6835095714190
343755809_778006543904148_52103679078446
343920539_3424499644430505_6534480682423
343732799_942854516754408_45500141723898

The post INDIA oo DF u sameysay ballan-qaad cusub oo la xiriira goobaha dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this