Deeq A. Posted April 28, 2023 Roobabka mahiiggan ah ayaa xalay miray degaanno ka tirsan Gobolka Nugaal. Roobabka ugu xooggan ayaa la xaqiijinayaa in ay ka da’deen degaannada saaran hawdka oo ay ku jirto degmada Buurtinle. Wararka ayaa sheegaya in roobkii xalay uu daad xooggan ku harqiyay kaymaha geel-qarista ah ee hawdka Buurtinle. Roobka ayaa sidoo kale mawjado daad ah ka sii daayay togga Buurtinle ee ku biya-shuba balliga Gosol. Gobollada Mudug, Sool, Cayn iyo Doollo ayaa dhanka kale laga soo sheegaya roobab kala duwan. PUNTLAND POST The post Roobab mahiiggaan ah oo ka da’ay hawdka Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites