Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo dhawaan ku kulmaya dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ku kulmaan dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jubaland ayaa hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Itoobiya halkaas oo uu kula kulmayo Ra’iisul wasaaraha dalkaas Abiy Axmed.

Madaxweynaha Puntland ayaa isna horraanta bisha May ku wajahan Addis Ababa waxaana xogo lagu kalsoon yahay sheegayaan in halkaas ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Inkastoo aan weli xog sugan laga helin Ajandaha Kulanka labada dhinac haddana waxa lagu wadaa in kulankaas uu mar kale xoojiyo iskaashiga dhinaca Siyaasadda ee Puntland iyo Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo dhawaan ku kulmaya dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this