Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf's landmark comments on NGO's, corruption, infront of them PICS

Recommended Posts

This speech touched on many important points.

 

1. The role of the NGO's in Nairobi who ahve for 17 years been "helping Somalia" specially the WFP and others that have become rich and powerful on the Somali crisis.

 

2. Corruption within the TFG and Somalia as a whole, the President touces on this and it highlights the mans deep integrity that he would question his own admin's failures.

Share this post


Link to post
Share on other sites

yuusuf12.jpg Khubadda oo Qoraal ah (Waxaana qoraal u rogey SomaliTalk.com): Duke highlights..

 

Hadalkii Mudane C/Laahi Yuusuf waxa uu ku bilaabay sidan: Mudane Saalim Caliyow, ra'iisul wasaaraha KMG, mudane barafasooro, mudanayaasha xildhibaanada iyo wasiirada ah, xoghayayaasha joogtada ah (permanent secretaries) ee qorshaha ka soo shaqeeyey ee soo diyaariyey, marti sharafta kale iyo madaxda kale ee jooga, marka hore waa idin salaamayaa, salaan kaddib:

 

Aad baan ugu faraxsanahay xafladdaan in aan saakay (Nov 20,2007) ka qayb galo lagu xirayo hawshii aad ku hayseen magaalada Baydhabo muddo 40 maalmood ah siduu u sheegay wasiirku, laakiin laga yaabo in ay idinku sii daba dheeraatay oo 50 casho idin la gaarta. Markii xoghayayaasha joogtada laga soo qaadayey Xamar oo halkan (Baydhabo) loo soo dirayey Xamar baan joogey anigu, haddii aad iga soo horeyseen markaas meesha waad ku raagteen, waayo anigu magaaladan Baydhabo waxaan imid 8-dii bishii Oktoobar haddii aanan khaldanayn, Octobar 8-deedii.. maantana bishu waa 20kii November, markaas Afartan iyo dhawr maalmood anaa joogey idinkuna waa iga soo horeyseen, laakiin intii aad iga soo horeyseen ayaan ii xisaabnayn.. sow igama soo horayn, adigu 40, 50, ama 60 maalmood ka dhig oo halkan ayaad joogteen waadna shaqayseen, waad dadaasheen, wixii aad hadda diyaariseena haddee hore nooma sii-siin oo faallo (commentary) kama samayn karo.. hadddii aad koobiyaal na sii siin lahaydeen oo aan sii akhrin lahayn, oo aan sii daalacan lahayn, oo wax dersi lahayn ayaanu oran lahayn war xagga halaga toosiyo, war sidaas hala yeelo.. waxaan idinku ammaaneynaa buug qurux badan ee meesha yaal, laakiin hoostiisa waxa ku jira rabbi ayaa og.. Buuggaas gudihiisa wax kasta haku jireene, haddaynu saddex sano kaddib sidii aynu u gebi dhaclayneyney, oo xaalkena Ilaah ayaa ogaaye waxaynu ku sugnayn'e, aynu hadda intaynu foolanay aynu buugaan dhallay, horta waa Alxamdu-Lillah.

 

Hase yeeshee waxay ila tahay buuggu warqado weeye, fikrado dad ayaana ku qoran, fikradaha dadkuna haddey buug ku qoran yihiin iyagu ma shaqeeyaan ee dadkii fikradahaas lahaa iyo dadkii kale oo u xilsaarnaa ayaa la rabaa in ay hawlahaas fuliyaan. Qorshaha qoristiisa aniga waxay ila tahay waxaa ka dhib badan oo ka muhiimsan waxaa weeye fulintiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hay'adda Qaramada Midoobey iyo WFP

 

Si waxaas loo fuliyo horta haddaad rajo ka qabtaan UN (QARAMADA MIDOOBAY) iyo beesha caalamka iyo dadkale ayaa na caawinaya anigu rajadaas ma qabo, haddii aan Lillaahi idiinla hadlo weeye, waxaynaan qabsan ayaa cidkle inoo qabaneysaa haddeer anigu ma aaminsani.

 

Maalmo dhoweyd Nairobi ayaan gaarey... maalin dhoweyd waad garaneysaan (Baydhabo) Baarlamaanka in ay inoogu yimaadeen qoladii la baxday Beesha Caalamka, wixii meeshaas ka dhacay iyo baarlamaanku wuxuu muujiyey intayadii joogey waanu ogeyn, laakiin xoghayaasha joogtadu in ay joogeen iyo in kale anigu kama warqabo... BUUUU ayaa la isku yiraahdaa Baarlamaanada markii lagugu mudaharaadayo, BUU BUU ayaa la isku yiraahdaa.. Nimankii BUU BUU ayaa lagu yiri, oo waa lagu mudaharaaday, (waa) haddii aad la socotaan.. Labadaan oday oo geesaha iga fadhiya ayaa maqaarka kala baxay, waayo waxaan dhibaato qabno oo Ilaah ogyahay oo iyaga laftigoodu ay ogyihiin, haddii aysan is yeel-yeelay ay ka warqabaan, waxay noogu yimaadeen oo keliya in ay nagala hadlaan oo keliya raashinka la yiraahdo waxaa keenta WFP sidii dadka loo gaarsiin lahaa.

 

Waxa aynu mushaakil qabno kaas uun bay inagala hadleen, ma wax kale ayey inagala hadleen.. Wax aan ahayn Gargaar bini-aadaminimo (Humanitarian Assistance) ayaa la rabaa in wax laga qabto oo dadka cuntada hala gaarsiiyo oo wadooyinkaas isbaarooyin ayaa la dhigtay, nin raashin meel u wadey ayaa la xiray-oo, xagey tahay-oo, idaacad ayaa la xiray-oo, waxaas ayey tahay-oo.. waxaas ayey ka hadleen..

 

Dhibaatada na haysata oo amni-darrada ah kama aysan hadlin, dhibaatada iyo tafaraaruqa ummada Soomaaliyeed ku dhacday oo maxkamaduhu wax ku leeyihiin kama aysan hadlin, siyaasad ahaan kama ay hadlin, amni darrada jirta kama ay hadlin, yacni barnaamijka adag oo la inaga rabo muddada (transition) kala guurka lagu jiro oo hadda laba sano wax ka yar ay ka hareen sidii ay gacan inooga siin lahaayeen kama ay hadlin, sidii waddankan amni looga dhigi lahaa kama ay hadlin, sidii hadhow horumarin iyo dib-u-dhis iyo magiciisii iyo wixii sidii loo samayn lahaa kama ay hadlin. Raashinka WFP ayey ka hadleen.

 

Raashinka WFP toddoba iyo tobankii (17) sanadood ee ay Soomaaliya joogeen meel ay geeyaan anigu ma ogi. Weligay xabbad raashinkaas ka mid ah anigu ma cunin, Wallaahi meel lagu qaybinayona ma arag. Waxay keenaan hadda waxa ay yihiin anigu ma aqaan.... Maxay keenaan horta! ma sonkor bay keenaan! ma bariis bay keenaan! ma timir bay keenaan, ma masagay keenaan, ma waxay keenaan galley, ma wax kale ay keenaan!, maxay keenaan horta!! YAA YAQAAN!!! ma digir bay keenaan!... GALLEY BAY KEENAAN!!! Galley iyo saliid... Saliidu waa kala nooc'e noocee ayey keenaan.. SALIID CADDEY!!!.. Tan cuntada lagu kariyo miyaa!! tan lagu iidaanto ma aha marka!!!! Waxaas ayey ka hadleen, wax kalena kama hadlaan, wax kale idiinma soo wadaan, Nairobi ayey fadhiyaan.

 

= We must stand on our nations two feet and stop begging the NGO's in Nairobi. Brave man indeed is what Yey is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This land mark speech against the NGO's was done in front of them.

 

Wafti Ka socdey Beesha Caalamka oo Gaarey Baydhabo, kuna laabtay Nairobi 09no5.jpg

 

9-xubnood oo ka socdey Beesha caalamka, islamarkaana uu hogaaminayo isku duwaha Arimaha Bani'aadaninimada ee Qaramada Midoobey ayaa waxay soo gaareen Magaalada baydhabo, waxayna si guud shir ugala qayb galeen kulankii xubnaha Baarlamaanka DFKMG, waxayna ka warbixiyeen ujeedada socdaalkood, waxaana la hadley kusimaha Ra'iisul wasaaraha Prof. Saalim Caliyo Ibrow, Gudoomioye ku xigeenka Baarlamaanka Prof. Dhalxa, Gudsoomiyaha Baarlamaanka Sh. aadan Max'ed Nuur, waxaana soo xirey Madaxweynaha DFKMG Col/ C/llaahi Yuusuf.

 

09no6.jpg

 

09no7.jpg

 

09no10.jpg

 

09no8.jpg

 

09no4.jpg

 

09no9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

deeqo.jpg

 

The President highlighted:

 

1. The role of the NGO's in the Somali dilema.

2. The issue of corruption within his own government.

3. The defeated groups use of the faith to maintain their existance in the political world.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   
Duke The President's landmark speech indeed helped. The World Food Program for the first time since 1993 has started distributing wet food in Mogadisho. More open talk that highlights the truth about the zoning injustice perpetrated by these International NGOs and U.N. bodies and their appointed Somali associates is what our people need.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Darwiish oo heshiis la garey hey'ada WFP

7 Dec 7, 2007 - 6:54:31 AM

 

Wafdi ka socday hey'adda cuntada adduunka oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Taliyaha Nabadsugida Dowladda KMG Gen. Maxamed Warsame Darwiish.

 

Kulankan oo ahaa mid aan saxaafadda loo ogoleyn ayaa adag in wax badan laga ogaado hase ahaatee wararka ku dhow labada dhinac ayaa sheegaya in heshiis buuxa laga gaarey khilaafka soo kala dhex galay labada dhinac.

 

Khilaafkan oo gaarey meeshii ugu sareysay ayaa yimid kadib markii Dowladda KMG mamnuucday in gobolka Sh/Hoose aysan ka soo degi karin wax gargaar ah oo hey'adda WFP u socda.

 

Wafdiga shalay yimid magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaamineysay ku xigeenka hey'adda WFP ee arrimaha Soomaaliya Danisa Brown iyo xubin kale kuwaasi oo kulan gaar ah la qaatay.

 

Lama oga sababta dowlada u diidan tahay in raashinku ka soo dego Marka madaama kamid tahay gobolada dalka balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in saraakiisha Nabad Sugida shaki ka qabto sida loo isticmaalyo raashinkaas marka uu ka baxo gacanta hay'ada ku deeqdey.

 

Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa dib u fasaxday howlihii gargaar ee hey'adda WFP ka watay Soomaaliya gaar ahaan howlihii dejinta maraakiib ay ku rarnaayeen shixnado gargaar oo ku xirnaa dekadda Marka ee gobolka Sh/Hoose.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

The NGO's are a great problem for Somalia.

Corruption is a great problem for Somalia.

And who but Yey can take this on after defeating the delusional Arab & Eritrean backed clown courts, the warlords of Mogadishu?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duke The President's landmark speech indeed helped. The World Food Program for the first time since 1993 has started distributing wet food in Mogadisho. More open talk that highlights the truth about the zoning injustice perpetrated by these International NGOs and U.N. bodies and their appointed Somali associates is what our people need.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this