Sign in to follow this  
OLOL

Xukuumadda Gheedi - Inflated cumbursome Somali cabinet program

Recommended Posts

OLOL   

Government documents in circulation in eastleigh!!

 

 

1. JAMHUURIYADDA SOOMAALIYEED

 

 

2. Xeernidaamiyadaha Golaha Wasiirada

 

3. Iyo

 

4. Wajiibaadka Xukuumadda Federaaliga Ku Meel Gaarka Somaaliyed.

 

 

5. Qod. 1aad

6. ( Qeexid )

 

7. Golaha Wasiirada waa Hay’adda Sare ee Awodda Fulinta ( Executive Power ) sida ku cad Qod. 46aad Xubintiisa Kowaad ee Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga ee Jamhuuriyadda Somaaliyed.

 

 

8. Qod 2aad

9. (Dhismaha)

 

10. Sida ku cad Qodobka 52aad ee Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga ee Jamhuuriyadda Somaaliyed Golaha Wasiirada wuxuu ka kooban Yahay:-

 

a) Ra’iisul Wasaaraha.

b) Ku Xigennada Ra’iisul Wasaaraha.

c) Wasiirada.

d) Iyo Xubno kale oo uu Ra’isul Wasaaraha Magacaabo, Baarlamaankana Ansaxiyo.

 

 

11. Qod 3aad

12. (Xubinnimada Golaha Wasiirada)

 

13. Dhammaan Xubnaha ku qeexan Qodobka 52aad ee Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaaliyeed ayaa ah Golaha Wasiirada, waxayna xilkooda u gudan donaan sida waafaqsan Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaliyed, Shuruucda Dalka iyo Xeernidaamiyaha Golaha Wasiirada.

 

 

14. Qod. 4aad.

15. (Xilka iyo Muddada Xubinnimada)

 

1) Sida ku cad Qod. 52aad Xubintiisa Seddaxaad ee Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaaliyed, qof kasta oo Ra’iisul Wasaaraha u magacaabo Xil Wasiireed ama ku Xigeen wuxuu ku dhaaranayaa magaca Ilaahey iyo inuu daacad u noqonaayo Jamhuuriyadda iyo Axdiga Ku Meel Gaarka inta uusan la wareegin Xilka.

2) Muddada Xilka waxay waafaqsan tahay Qod. 52aad Xubintiisa Seddaxaad, faqradaha (b) iyo ©.

 

 

16. Qob 5aad

17. (Waajibaadka Golaha Wasiirada)

 

18. Ka sokow waajibaadka ku xusan Qodobka 53aad, faqradihiisa 1/2/3/4/5 iyo 6aadba ee Axdiga KMG, waajibaadka Golaha Wasiirada waxaa ka mid ah:

 

19. Dejinta iyo horumarinta Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo arrimaha bulshadda.

20. Dejinta iyo fulinta barnaamijiyo iyo mashaariic horumarineed oo lagu kobciyo dhaqaalaha, laguna hormariyo bulshadda.

21. Xallinta khilaafaadka, sugidda nabad galyada, dib u heshiisinta iyo tirokoobka dadweynaha.

22. Diyaarinta iyo ogolaanshaha miisaaniyadda, xisaab xirka iyo u gudbin Golaha Baarlamaanka..

23. Meel marinta ismaamul goboleedyada dalka sida ku cad qoddobka 11aad Xubintiisa 2aad faq. (b) , © ee Axdiga Federaaliga KMG.

24. Diiwaangelinta, dib u soo celinta iyo dayactirka iyo xannaanaynta hantida Qaranka.

25. Dib u dejinta dadka ku barakacay Waddanka gudahiisa.

26. Diyaarinta Dastuurka Federaalka ah (Eeg. Qoddobka 11aad, xubnahiisa 9aad, 10aad iyo 11aad ee Axdiga KMG).

27. Ka soo talinta xiriirka iyo heshiis Goboleedyada iyo kuwa Caalamiga ah.

28. Diyaarinta sharci u gaar ah axsaabta siyaasadeed ee dalka (Eeg Qoddobka 21aad ee Axdiga KMG).

29. Diyaarinta shuruucda doorashada guud ee dalka iyo aftida lagu ansaxinaayo Dastuurka cudub ee nidaamka Federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed (Eeg Qoddobka 11aad xubnahiisa 9aad, 10aad iyo 11aad ee Axdiga KMG).

 

30. Qodobka 6aad

31. ( Dhaarta )

 

 

32. Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Wasiirada wuxuu marayaa dhaarta ku qeexan qodobka 52aad xubintiisa 3aad, faqraddisa (a) ee Axdiga Federaaliga KMG

33. Xubin aan dhaaran laguma wareegi karo xil, fadhiyada Golahana kama soo qayb gali karto.

34. Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Wasiirada waa in ay keentaa caddayn muujinaysa hantideeda Mood iyo Noolba si looga diiwaangeliyo Maxkamada Sare iyo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka.

 

 

35. Qodobka 7aad

36. (Fadhiyada Golaha Wasiirada)

 

37. Fadhiyada Golaha Wasiiradda waxaa la qabanayaa labo jeer todobaadkii

38. Waxaa la qaban karaa fadhiyo aan caadi aheyn marka loo baahdo.

39. Fadhiga Golaha Wasiirada waxaa guddoomiya Ra’iisul Wasaaraha, ku Xigeennadiisa iyo hadba Wasiirka uu u wakiisho.

40. Shirka waxaa furaya Guddoomiyaha fadhiga, waxaana lagu bilaabayaa Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah.

41. Fadhiyada iyo doodaha Golaha Wasiirada waxaa ka qayb galayaa Ra’iisul Wasaaraha, ku Xigeenadiisa, Wasiirada, waxaase loogu yeeran karaa cidii farsamo ahaan loogu baahdo.

42. Fadhiga Golaha Wasiirada wuxuu qabsoomayaa markii la helo 51% xubnaha Golaha Wasiirada.hasse yeeshee howlaha xasaasiga ah, sida Dagaalka, Xaalada deg deg ah, Masiibooyinka dabiiciga ah, meel marinta Miisaaniyada iyo Xisaab Xirka, arimaha dib u heshiisinta, IWM. Waxaa loo baahnaanayaa 2/3 xubnood golaha.

43. U codeynta go’aannada arimaha siyaasada guud ee gudaha iyo dibada waxaa ka qayb qaadanayaa dhamaan Golaha Wasiirada wuxuuna ku ansaxayaa cod hal dheeri ah.

44. Xubinta ka tirsan Golaha Wasiirada ee ka maqnaata sabab la’aan sedex fadhi waxaa la siinayaa digniin, haddii maqnaanshihiisa/heeda ka badato waxaa loo gudbinayaa Guddiga Anshaxa ee Golaha Wasiirada si ay talo uga soo jeediyaan Golaha Wasiirada.

45. Xubnaha Golaha markay rabaan inay ka hadlaan Golaha waxay waydiisanayaan ogolaansho Guddoomiyaha Golaha, isaga/iyada oo gacanta taagaya/geysa, wuxuuna/waxayna hadalka qaadanayaa/neysaa marka loo idmo.

46. Hadii ay xubin iska hadasho waa laga joojinayaa hadalka marka hore marka xigana waa loo digayaa, hadii uu/ay sii wado buuqa waxaa Gudoomiyaha Goluhu u leeyahay awood fadhiga kaga saaro.

47. Hadii golaha buuq ka dhax dhasho oo aan la joojin Karin, waxa Gudoomiyuhu awood u leeyahay in uu xiro fadhiga.

48. Xubinna Kama bixi karto shirka ayadoon fasax ka qabin Gudoomiyaha.

49. Wax kastoo Golaha looga hadlo oo qarsoodi ah lama shaacin karo, cidna looma gudbin karo, xubintii ay ku cadaato bixinta sirta waxaa go’aan ka gaaraya Golaha.

50. Golaha wasiirrada wuxuu magacaabayaa xogheyn soo diyaarisa ajandaha fadhiga iyo hadal qoraalada isla markaana xafida una qaybisa xubnaha ajandaha iyo dukumentiyada loo baahanyahay, ogaysiinta xubnaha golaha, qabashada iyo baaqashada fadhiyada maalin, ka hor. Waxayna hoos imaanaysaa wasiiru dowlaha arimaha xukuumada.

51. Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Wasirrada waxaa u banaan inay ajandada ku darto qodob mudan in golaha la hor keeno wakhtiga diyaarinta ajandaha.

52. Goluhu wuxuu hor iyo horaanba isla meel dhigayaa ajandaha shirka.

53. Go’aan kasta oo Goluhu gaaro waa in uu qoraal yahay.

54. Go’aanada Golaha lama bedeli karo, waxna laguma dari karo hadii aan Goluhu ogolaan bedelidiisa.

55. Inta aan la bilaabin dooda ajandada waxaa la qorayaa magacyada xubnaha golaha wasiirada ee ka hadlaya qodobka ajandaha ee laga hadlayo.

56. Si loo beekhaamiyo wakhtiga qodobada ajandaha ee muhiimka ah wuxuu Goluhu u xilsaaraya guddiyo ka soo baaraandego, talana ka soo jeediyo si Goluhu go’aan uga gaaro.

 

57. Qodobka 8aad

58. (Wajibaadka Xubnaha Golaha Wasiirada)

 

59. Ra’iisul Wasaaraha ka sokow waajibaadka iyo xilalka ku xusan qodobka 48aad ee Axdiga Federaaliga KMG, waxu mas’uul ka yahay:-

 

60. Hagidda Golaha Wasiirada iyo Siyaasadda Xukuumadda

61. Dhawrista mas’uuliyadda Xubin kasta oo ka tirsan Golaha Wasiirrada

62. Isku-duwidda iyo ilaalinta wada shaqaynta Wasiiradda

63. U gudbinta Golaha Shacbiga mashruucyo sharci iyo heshiisyadda lala galo dawladaha iyo hay’adaha Caalamiga, ka dib markuu Goluhu ansaxiyo.

64. U magacaabidda mid ka mid ah ku-Xigeenaddiisa sii haynta xilka Ra`iisul Wasaaraha mudada uu maqan yahay.

65. U gudbinta Madaxweynaha magacaabidda Saraakiisha Sare ee Dowladda ka dib markuu ansaxiyo Golaha Wasiirrada.

 

66. Ku-Xigeenadda Ra’iisul Wasaaraha waxay:-

 

67. Fulinayaan howlaha uu u xilsaaro Raiisul Wasaaruhu.

68. Talo siinayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnaha kale ee Golaha Wasiiradda.

 

69. Wasiirka kasta wuxuu:-

 

70. Masuul ka yahay Wasaaraddiisa.

71. Talo iyo tusaale ka qaadanayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo ku-xigeenadiisa

72. U gudbinayaa Ra’iisul Wasaaraha qorshaha howleed iyo warbixinta Wasaaradda

73. Hagayaa, daba-galayaa. Qiimeynayaa meel marinta Siyaasadda Dawladda iyo barnaamijyada Wasaaradda.

74. Soo jeedinayaa magacaabidda howl wadeenada sare ee Wasaaradda isagoo la tashanaya Xubnaha Xukuumadda ee Wasaaradda (Wasiiru-Dawlo iyo Wasiir-kuxigeenadda).

75. U soo jeediyaa Golaha Wasiirada mashruuc sharci ah oo la xiriira hawlaha Wasaaradda.

76. Fulinayaa wixii waajibaad dheeri ah oo loo xilsaaro.

77. U qaybiyaa hawlaha Wasiiru-dowlayaasha iyo Wasiir-kuxigeennada.

78. Xilka uga tagaa wasiiru-dowlaha marka uu wasiirku ka maqanyahay Wasaaradda. Haddii ay labaduba maqnaadaan waxaa loo magacaabayaa Wasiir sii yahay xilka.

 

79. a. Wasiiru-Dowlayaasha xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxay fulinayaan waajibaadka uu u xil saaro Ra’iisul wasaaruhu ama Ku-xigeenadiisa.

80. Wasiiru-Dowlayaasha ka tirsan Wasaaradaha waxay talo-wadaag laleeyihiin Wasiirka oo ah madaxa Wasaarada

 

81. Wasiir-Ku-xigeeen kasta waxuu:

82. Fulinayaa howlaha uu u xilsaaro Wasiirka Wasaaradda iyo Wasiiru-dowlaha.

83. Talo-wadaag kala yeelanayaa hawlaha Wasaaradda Wasiirka iyo Wasiiru-dowlaha.

84. Fuliyaa wixii waajibaad dheeri ah ee looga baahdo iyadoo la dhawraayo nidaamka Dawliga ah.

 

 

(Hawlaha & Waajibaadka wasaaradaha).

 

Wasaaradaha Dawladda Federaaliga Ku Meel gaarka Somaaliyed waxay u gudanayaan Xilalkooda iyo Hawlahooda sida waafaqsan Axdiga Ku meel Gaarka Federaaliga Somaaliyed, Shuruucda Dalka, Xeer- hosaadyada , tixgelinayaan kuna shaqeynayaan tusaaloyinka Raii’sul Wasaaraha iyo Ku/Xigeenadiisa hadba kan markaas uu u wakiisho hawsha.

 

Iyadoo la dhowraayo habsami ku dhaqanka Siyaasadda Dawladda Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaaliyed, Diinta, Anshaxa iyo dhaqanka suuban ee Somaliyed Wasiir kasta waxaa ku waajib ah inuu qorshahiisa hawleed islamarkaasna hor keeno Raii,sul Wasaaraha si ay uga wada tashtaan una gudiyaan Golaha Wasiirada haddii ay u arkaan iney Waafaqsan tahay Siyaasadda Dawladda.

 

 

85. Qod. 10

86. ( Qeexidda Waajibaadka Wasaaradaha )

 

1) Wasaaradaha Dawladda Federaaliga Ku Meel Gaarka, waxay u gudan donaan Waajibaadkooda Shaqo sida waafaqsan Axdiga Ku Meel Gaarka Federaaliga Somaliyed, Shuruucda Dalka, Anshaxa iyo Dhaqanka suuban ee Somaaliyeed.

 

a) Waxayna Waajibaadkooda u gudan donaan iyagoo mar kasta wada tashanaayo, una daneynaayo danaha Ummadda iyo Dalkaba, islamarkaasna waafajinaaya Siyaasadda Guud ee Jamhuuriyadda Somaliyed

b) Wasaarad kasta waxay waxay ku shaqeyn doontaa Qeexidda Waajibaadka lagu siiyey Xeer Hoosaadkani iyado uu Raii’sul Wasaaraha u xilsaaran karo Hawlo dheeraad ah haddii sidaas uu garwaaqsado.

c) Qeexidda Hawlaha Wasaaradaha waa sida hoos ku qoran:-

 

87. Wasaaradda Garsoorka:-

 

88. Diyaarinta iyo soo jeedinta Shuruucda la xiriira Garsoorka

89. Dib u dhisidda Xabsiyada Dalka, maamuliddoda iyo Kormeerka Maxaabiista.

90. Diyaarinta Shuruucda iyo Mabadiida lagu dhaqaayo Cadaaladda , tan

91. Garsoorka,Qareennada iyo Notaayoyaasha iyo bixinta Rukhsadahooda.

92. Diiwaangelinta iyo kormeeridda Axsaabta Siyaasadeed.

93. Diiwangelinta iyo kormeeridda Hay’adaha Samafalka ( NGOs).

 

 

94. Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta:-

 

95. Diyaarinta iyo soo jeedinta Shuruucda iyo Xeer hosaadyada Wasaaradda .

96. Nidaaminta iyo kormeeridda Hawlaha Xajka.

97. Arrimaha Diinta.

98. Xiriirka Waddamada iyo Ururada Islaamka ah.

5. Kormeridda Madrasadaha Islaamka iyo Rukhsad Siinta Guddiga Culimada.

 

 

2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

99. Diyaarinta iyo meelmarinta siyaasadda gudaha ee Dalka

100. Soo jeedinta dib u habeynta gobollada iyo degmooyinka

101. Dhisidda golaha Odayaasha

102. Meel marinta dismayaasha ismaamul goboleedyadda Dalka iyo isku duwidda xiriirka ismaamul-goboleedyada Xukuumadda

103. Sugidda nabadgelyadda gudaha ee Dalka

104. Dhisidda ciidan nabadgelyo oo tayo leh.

105. Bixinta ruqsada dal-kujooga

106. Tirakoobka, diiwaangelinta iyo la socodka hay’adaha samafalka iyo shisheeyaha dadlka ku nool.

107. Ka qayb qaadashada did u heshiisiinta gobollada iyo degmooyinka

 

3. Wasaaradda Arrimaha Dibedda

 

108. Diyaarinta iyo meelmarinta siyaasadda dibedda ee dalka

109. Diyaarinta Siyaasadda Guud ee Arrimha Dibedda ee Dalka iyo Heshiisyada Caalamiga ah.

110. Xiriirka Diblomaasiyeed ee ay Somaliya la leedahay Dalalka Addunka iyo sameynta Xiir cusub ee Diblomaasiyeed iyo Qunsuliyadba..

111. Sameynta Guddiyo la shaqeeya Urur Goboleedyada iyo kan Caalamkaba sida ku cad Siyaasadda Guud ee Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaaliyed.

112. Diyaarinta iyo ka shaqeynta Xiriirada Caalamiga ah ee ay Somaliya ka mid tahay iyadoo la dhowraaya danaha Dalka iyo dadka Somaliyedba.

113. Kala talin Madaxweynaha, Raiisul Wasaaraha, Baarlamaanka Ku Meel Gaarka arrimaha Siyaasadda Dibedda iyadoo la dhowraaya awoodooda Shaqo.

114. Kala talin Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha arrimaha Diblomaasiyeed, Qunsuliyada iyo Kaaderka Siyaasadeed.

115. Uruurinta iyo diyaarinta Diiwan Guud ee Xogta Sirta ah ee Siyaasadda , dhaqaalaha iyo Bulshadaba Dalalka Shisheeyaha.

 

 

116. IV. Wasaaraadda Gashaandhigga

 

117. Fulinta siyaasadda dowladda ee ku wajahan difaaca dalka, sugidda nabadgalyadda iyo midnimadda qaranka

118. Hoggaaminta hawlaha la xiriira abaabulka dib u dhiska Ciidanka qaranka Soomaaliyeed (CQS) dhulka, gurmadka, badda iyo cirka.

119. Habaynta maamulka dadka iyo qalabka ciidanka

120. Isku dubaridka, dib u habeynta barnaamijyada tababarrada, hawlgelinta iyo taakuleynta ciidamada waqtiyada nabadda iyo colaadda.

121. Dejinta qorshaha horumarinta tayada ciidamada iyo casriyeeynta qalabka dagaalka

122. Xaqiijinta iyo ilaalinta xuddudaha qaranka ee dhulka, badda iyo cirka.

123. Ka qeyb qaadashada wax ka qabadka masiibooyinka dabiiciga ah.

124. Xoojinta xiriirada iskaashi ciidameed ee dowladaha aan saaxiibka nahay.

125. Kor u qaadidda aqoonta iyo garaadka ciidamada, dhinacyada ku dhaqanka, diinta islaamka iyo dhawrista shuruucda dalka.

126. Xaqiijinta ka fogaanshaha ciidamada u loolamidda siyaasadeed iyo kala dagaalidda dareenka iyo ficilada qabyaaladeed.

 

 

127. V. Wasaaradda Maaliyadda

 

128. Dejinta, qaabeynta iyo ilaalinta siyaasadda maaliyadeed ee dalka

129. Dejinta iyo dhaqan gelinta siyaasadda lacagta (Monetary Policy) iyadoo lala kaashanayo Bankiga dhexe

130. Ilaalinta, maamulidda iyo Dejinta nidaamka iyo naqshadda lacagta ka socota dalka.

131. Dejinta siyaasadda canshuuraha (Fiscal Policy) iyadoo lala kaashanayo Waaaradda lacagta

132. Diyaarinta shuruucda la xiriirta hay’adaha maaliyadda (financial Institutions) iyo horumarinteeda

133. Diyaarinta miisaaniyadda ku talagalka ee dalka (Estimate or Provisional budget) iyo midda xisaab xirka iyadoo lagu saleynayo isku dheeli-tirka dakhliga iyo kharashka

134. Ilaalinta iyo kontoroolka ku dhaqanka miisaaniyad sanadeedka iyo la socodka dhaqdhaqaaqa khasnadda dhexe ee dowladda

135. Diiwaangelinta iyo la socodka hantida qaranka ee gurto iyo maguurtaba.

136. Dejinta siyaasadda iyo maamulka deymaha gudaha iy dibedaba.

137. Diiwaangelinta iyo maamulka deeqaha lacageed iyo badeeco ( In cash or in kind)

138. La socodka iyo hubinta baahida maaliyadeed ee mashaariicda horumarineed iyo talo ka dhibashadda shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah ee uu ka dhalanaayo culeys lacageed.

139. Xoojinta xiriirka wax wadaqabsi ee bangiyada iyo hay’adaha lacagta ee Aduunka.

140. Xakamaynta sicir bararka iyo kor u qaadidda awooda lacagaha dalka.

141. Dejinta iyo horumarinta sharciyada qandaraasyada iyo maamulkooda.

 

142. IV. Wasaaradda Qorsheeynta iyo Iskaashiga Caalamiga

 

143. Dejinta siyaasadda iyo istaraatiijiyadda dhaqaalaha ee dalka.

144. Dejinta qorshaha horumarineed ee dhaqan dhaqaale ee dalka

145. Dejinta, dabagalka, kontoroolka, iy qiimeynta fulinta qorshaha qaranka (mid-gaaban, mid-dhexe iyo mid fog) iyo mashaariicda horumarineed

146. Soo nooleynta iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo waddamada deeqaha bixiya iyo hay’adaha caalamiga.

147. Isku-duwidda barnaamjiyada iyo mashaariicda horumarineed ee dalka

148. Dib u habeynta sharciga maalgelitna shisheeyaha

149. Horumarinta iyo u bandhigida barnaamijka dib u dhiska dalka deeq bixiyaasha iyo hay’adaha caalamiga iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda dib u dhiska iy guriyenta.

150. Raadinta iyo isku-duwidda kaalmada dhaqaale iyo soo jiidashada maalgelinta dibadeed ayadoo loo bandhigayo khayraadka dalka iyo ilaha ku haboon maalgelinta.

151. Sameynta sahanno iyo daraasado dhaqan-dhaqaale iyo tilmaamidda ilaha mudan kobcinta dhaqaalaha iyo maalgelinta.

152. Uruurinta, habeynta iyo qeexida xogta istaatistikada iyo sameynta tirakoobyadda dadweynaha, guryahay, xoolaha, warshadaha, beeraha, IWM

153. Dib u nooleynta xaruntii dhexe (Documentation Center) ee kaydinta xogta qaranka

154. Xoojinta wada shaqeynta iyo isku xirka waaxyaha qorsheynta ee wasaaradaha.

 

 

155. VII. Wasaaradda Warfaafinta

 

156. Dejitna iyo meelmarinta siyaasadda warfaafinta dalka

157. Faafinta siyaasadda, barnaamijyada iyo go’aannada Dowladda

158. Wacyi gelinta iyo hanuuninta dadweynaha iyo soo bandhigidda barnaamijyo diimeed, aqooneed, dhaqameed, faneed, cilmiyeed oo qiimo u leh bulshada.

159. Diyaarinta sharciga warbaahinta, saxaafadda, masawirrada iyo filimqaadista

160. Dib u noolaynta iyo tabinta dhaqanka, fanka iyo suugaanta suuban.

161. Casriyeynta qalabka warbaahinta maqal, muuqaal iyo qoraal.

162. Xoojinta xayeesiinta khayraadka dahan ee dalka

163. Uruurinta, keydinta iyo faafinta qoraallada la xiriira siyaasadda dhaqaalaha, bulshada iyo kuwa bii’adda ee dalka

164. Ilaalinta xuquuqda lahaanshaha soo saarista (Copyright)

165. Diyaarinta iyo dhaqangelinta sharciga xayeesiinta badeecadaha ganacsiga.

166. Habeynta rukhsad-siinta laamaha kala duwan ee warbaahineed sida:

167. Idaaacadaha maqal iyo muuqaalka ah (TV-yada Raadiyaasha)

168. Madbacadaha, wakaaladaha xayeesiiska kala duwan.

169. Wakaaladaha wax duuba ama soo saara (Media Production Agencies)

170. Jaraa’idka, qoraal xiliyeedka kala duwan, IWM

171. Baarista iyo hubinta anshaxa iyo asluubta filimada, iyo riwaayadaha, suugaanta iyo qoraalada

172. Xayeesiinta iyo soo bandhigidda quruxda bilicda dalka

173. Qaabeynta iyo ilaalinta rugta internet-ka dawladda

 

 

174. VIII. Wasaaradda Lacagta

 

175. Dejinta siyaasada dakhliga dalka

176. Diyaarinta shurcuucda canshuuraha

177. Uruurinta dakhiga dowladda ee gudaha iyo dibedda

178. Soo jeedinta kordhinta iyo dhimista canshuuraha

179. Ogolaanshaha canshuur dhaafka ee safaaradaha, hay’adaha caalamiga iyo kuwa horumarineed ee jooga dalka

180. Soo noolaynta iyo dib u habeynta hay’adihii dakhli uruurinta ee dalka.

181. Ku wacyi-gelinta dadweynaha muhimadda bixinta cashuuraha ku waajiba

182. Kor u qaadidda aqoonta iyo tayada wax qabad ee hawlwadeenada canshuur ururinta iyo dhiirigelintooda

183. Xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee hay’adaha lacagta ee aduunka

184. Xoojinta xiriirka wada shaqeynta ee hay’adaha maaliyada ee dowladda iyo hay’adaha ilaalinta canshuuraha ee Booliska

185. Ku gudbinta dakhliga foomka F/35 iyadoo orijinaalka siineysa Bangiga Dhexe, Koobiyana kala siinaysa Wasaaradda Maaliyadda iyo Xisaabiyaha Guud

 

 

186. IX. Wasaaradda Ganacsiga

 

187. Dajinta iyo meelmarinta siyaasadda ganacsiga gudaha iyo dibedda

188. Kor u qaadidda ganacsiga dalka iyo suuq-geynta wax soo saarka dalka

189. Uruurinta macluumaadka iyo cilmi-baarista ganacsiga dalka

190. Dhiirigelinta maalgelinta shisheeye

191. Ka qeyb galka shirka ganacisga caalamiga iyo kuwa goboleedkaba.

192. Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ganacsi ee aan la leenahay aduun-weynaha

193. Dhismaha rugta Ganacsiga

194. Bixinta ruqsooyinka iyo leysimada ganacsiga dhoofinta iyo keenista iyo lasocodka dhaqdhaqaaqa ganacsiga

195. Qabashada Carwooyin ganacsi iyo ka qayb galka carwooyinka caalamiga

196. Xayeesiinta iyo faafinta badeecadaha dalka

197. Raadinta suuqyo ganacsi oo cusub

198. Kor u qaadidda aqoonta ganacsatada iyo u abaabulida ururo ganacsi

199. Ka hortaagga, barista iyo joojinta badecadaha mamnuuca ka ah ganacsiga adduunka

 

a) X. Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha

 

200. Dejinta iyo meelmarinta siyaasadda horumarinta xoolaha

201. Xanaaneynta iyo daaweynta xoolaha, ka hortagga cudurada faafa iyo kontoroolka daawooyinka xoolaha ee dalka la keeno

202. Soo Saaridda calafka xoolaha

203. Dhiirigelinta dhalan-rogga xoolaha iyo kor u qaadida tayada xoolaha

204. Habeynta xogta xoolaha

205. Kor u qaadida tayada xoolaha iyo hilibkooda ee la dhoofiyo iyo suuq-geyntooda

206. Bixinta shahaadooyinka caafimaadka xoolaha iyo Hilibka iyo waxii la halmaala ee la dhoofiyo.

207. Joojinta dhoofinta xoolaha dhadiga ah iyo dhaylada

208. Tababarka shaqaalaha caafimaadka iyo horumarinta xoolaha

209. dhiirigalinta shaqada digaaga (hilib iyo ukunba)

210. habeynta Xerooyin iyo seerooyin daaq

211. dib u nooleyta iyo casriyenta dugsiyadii waxbarshadadda iyo shaybarkii dhexe ee baarista cudurada xoolaha

a) Xoojinta iskaashiga hay’adaha caalamiga iyo kuwa goboleed ee ku wajahan ka hortaga iyo wax ka qabadka xudurada xoolaha

 

b) XI. Wasaaradda Beeraha.

 

212. Dejinta iyo meel-marinta siyaasada wax soo saarka beeraha

213. Kor u qaadida wax soo saarka beeraha si loo sugo helitaanka quudka daruuriga ah ee xilikasta

214. Ku dhiiri-galinta beeraleyda kobcinta wax soo saarka beeraha

215. Dib u eegidda iyo dhaqan gelinta sharciga ku dhaqanka dhulka iyo biyaha

216. Bixinta, diiwaangalinta, sharciyeynta iyo naqshadeynta dhul-beeradka.

217. Baahinta macluumadka cilmi baarista beeraha

218. Soo nooleynta adeega fidinta beeraha iyo deyn siinta beeraleyda yar yar

219. Dib u habeynta iyo hormaritna kaabayaalka beeraha, biyo xireernnada, buundooyinka, waraabka la xiriira kanaalada, biyo shuurka, darbiyada wabiga caro tuuradda bakhaarada raashinka dheeriga ah IWM

220. Dayactirka iyo horumarinta marin biyoodka beeraha

221. U Dhiiro galinta abuurida ilo dakhli oo kale.

222. Kordhinta miraha beeraha ee la dhoofinkaro iyo ku dhiiri gelinta abuurida geed mirood.

223. Tijaabinta iyo meel marinta hab dhaqameedka beereed ee casyriga (Agricultural Reform)

224. Dib u noolaynta iyo casrieynta dugsiyadii waxbarshada iyo beeerihii tijaabada

225. Xoojinta iskaashiga hay’adaha beeraha ee caalamiga

 

 

1) XII. Wasaaradda Kallumeysiga iyo Khayradda badda

 

226. Dajinta iyo meelmarinta siyaasadda ka faa’iidaysiga khayraadka badda

227. Diyaaritna barnaamkyadda kalluumeysiga ee ka faa’iideysiga khyraadka badda

228. La soocodka iyo qiimeynta dhamaan howlaha kallumeysiga.

229. Ku baraarujinta kallumeyatada xilliydda kalluumeysiga iyo ka hotagga jilaabashada kaluunka sii dabar go’ay

230. Sameynta sahmo iyo daraasado la xirrira khayraadka badda iyo ururinta xogta kaluunka

231. Soo jiidashada iyo ku dhiirigelinta maalgeliyaasha daneynaya kaluumeysiga iyo khayraadka badda.

232. Diryaarinta iyo dhaqangelinta heshiisyada kaluumeysi ee lala galayo dawladaha iyo shirkado gaar ahaaneed.

233. Hubinta tirade kaluun xiliyeedyada

234. Diyaarinta shuruucada kalumesiga ee qeexaya qaabka looga kaluumeysan karo badaheena

235. Xakameynta, ka hortagga iyo dambi ku soo oogida maraakiibta sida sharci-dardda ah u boobta khayraadka badda iyo kuwa ku daadiya wasakhda.

236. Bixin fasax kaluumeysiga ee xeebaha dalka iyo webiyada

237. Dib u habaynta, carsriyenta iyo hawlgelinta maraakiibta iyo maraakiibta

238. wacyi gelinta iyo ku baraarujinta daweynaha cunsita kalluunka

239. La kaashiga Haya’adaha caalamiga ee badda ilaalinta kharyaadka baddda iyo ceebaha

 

240. Wassaradda Tamarta

 

a) Dejinta iyo meelmarinta siyaasada tamarta dalka

b) Diyaarinta barnaamiyadda horumaritna tamarta baddiilka ah

c) Dersidda, tijaabinta iyo horumarinta tamarta baddiilka ah (Alternative Energy) si loogu faa’iideeyo dadyowga ka fog magaalooyinka

d) Horumarinta tayada iyo xooga tamarta si sare loogu qaado wax soo saarka beeraha, xoolaha, wasaaradaha, kheyraadka badda iyo bariga

e) Sameynta daraasaad la xiriirta tamarta laga heli karo dalka sida xawaaraha dabeysha, kulaylka qorraxda, xoogga hirarka, biyaha kulul, biyaha webiyada, biomass-ka iyo xoogga nukleyrka, IWM

f) Darsidda xoogagga tamar-dhaliyayaasha (Conventionalor alternative) iyo is barbardhigidooda xas farsamo iyo xag dhaqaale si loo doorto tamar-dhaliyayaasha ku habboon dalka

g) Ku dhiirigilinta shirkadaha wadaniga iyo kuwa shasheee koronto gilinta magaalooyinka dalka iyo samaynta mashaariic wadaag ah

h) Ku dhaqanka shuruucda caalamiga ee tamarta

i) Tababaridda iyo kor u qaadidda aqoonta farsamo ee farsamoyaqaanada

 

241. Wasaaradda Warshadaha

 

a) Dib u eegidda, Fulinta iyo meelmarinta siyaasadda dowladda eek u wajahan warshadeynta kuna salaysan nidaamka suuqa xorta ah

b) Maamulidda iyo maareynta warshadaha dowlada iyo ku wareejinta hantilayda gaar ahaaneed Warshadaha ku habboon wada lahaanshaha ama lahaanshaha gaar ahaaneed

c) Kontoroolka caynadda iyo tayada wax soo saarka warshadaha dalka

d) Dhiirigilinta, nidaaminta iyo kobcinta warshadaha ayadoo lala kaashanayo hay’adaha ku shaqada leh

e) Diyaarinta iyo tababaridaa xirfadlayaasha warshadaha ayadoo lala kaashanayo hay’adaha ku shaqada leh

f) Dhiirigilinta warshadlayda ku dhaqanka teknoolijiyada casriga ah ee ku habboon warshadaha dalka

g) Xoojinta iyo horumarinta warshadeynta khayraadka cayriin ee lagu helo dalka

h) Dhiirigilinta iyo sameynta warshado soo saara alaabta iyo qalabka dibadda laga keeno

i) Kor u qaadidda tayada wax soo saarka warshadaha si ay tartan u galaan suugyada dibadda.

 

242. Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha

 

a) Dejinta siyaasadda horumarineed ee baarista biyaha, shidaalka iyo macdanta

b) Uruurinta xogta iyo diyaarinta khariiradaha muujinaya macdanta, batroolka iyo biyaha dalka ku jira

c) Dib u habaynta iyo ku dhaqanka sharciga baarista macdanta, batroolka iyo biyaha (Mining Code)

d) Soo jeedinta, diyaarinta iyo la saxiixidda heshiisyada shirkadaha baarista macdanta, biyaha iyo batroolka

e) Xoojinta sahammada, baarista iyo soo saarista macdanta, batroolka badda iyo berriga ku jira iyada oo la kaashanayo teknooliyada casriga ah

f) Dib u noolaynta iyo dayactirka sheybaarkii dhexe ee wasaaradda

g) Xoojinta xiriirka baarista iyo wax wada-qabsiga shirkadaha shisheeye ee baarista kheyraadka dalka

h) uruurinta iyo kor u qaadidda aqoonyahanadda iyo farsamoyaqaanadda macdanta, biyaha iyo batroolka

i) Diiwaangilinta dhamaan injineeradda wadaniga ah

j) Diyaarinta barnaamijka dib u dhiska dhismayaashii wasaaradda iyo wakaaladihii hoos imaan jirey iyo qalabkii ay mas’uulka ka ahaayeen

k) U raadinta maalgilin shisheeye khayraadka dalka sida macdanta batroolka iyo biyaha

l) Dabagalka heshiisyadii lala lahaa dawladaha iyo shirkadaha shisheeye ee jirey iyo soo noolayntooda

m) Xaqiijinta sidii biyo nadiif ah dadka iyo duunyadaba loogu heli lahaa (Drinkable Wate)

n) Ilaalinta isu-dheeli-tirnaanta deegaanka (Ecological balance) iyo ka dhowrista waxyaalaha deegaanka wax yeeli kara (harmful elements)

o) Ilaalinta iyo daryeelka deegaan kasta oo ay hawl ka fulinayso (bad iyo bariba)

p) Samaynta xiriir adag oo wada shaqeyneed wasaaradaha hawlahoodu is galayaan

q) Dhiirigilinta shirkadaha wadaniga ah eek u lug lah horumarinta macdanta iyo biyaha

 

243. Wasaaradda Dawlaha Guud

 

a) Dejinta Siyaasadda dhismaha dalka

b) Dhismaha iyo dayactirka guud ee dhismayaasha dowladda, jidadka iyo buundooyinka

c) dhismaha iyo dayactirka guud ee dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee dalka

d) Diyaarinta iyo naqshadeynta iyo samaynta qorshaha magaaleynta (urban planning)

e) Diyaarinta sharciga qandaraadyada dhismooyinka ee hay’adaha wadaniga ah iyo kuwa caalimiga

f) Diiwaangilinta shirkadaha wax dhisa ee dalka iyo kuwa shasheeye iyo farsamoyaqaanada sare ee hawlan dhismooyinka dalka

g) Diiwaangilinta dhammaan injineerada wadaniga iyo kuwa shisheeye iyo farsamoyaqaanada sare eek u hawlan dhismooyinka dalka

h) Soo noolaynta, Xoojinta iyo casriyeynta sheybaarka dhexe ee kontoroolidda dhismayaasha

i) Bixinta rukhsadaha dhismooyinka demanyaalaha ah.

 

 

244. Wasaaradda Dib U Dhiska iyo Guriyeynta

 

a) Dejinta siyaasadda guud ee dib u dhiska iyo guriyeynta

b) Diyaarinta barnaamijka dib u dhiska

c) U raadinta maalgilin barnaamidyada dib u dhiska iyo guriyeynta ayadoo la kaashanayo waraashada qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga

d) Darsidda burburka, naqshadeynta iyo qiimeynta dayactirka dhismayaasha burburay

e) Bixinta qandaraasyada dib u dhiska dalka iyadoo lagu salaynayo sharciga qandaraasyada

f) Diyaarinta mashaariic guryo jaban

g) Habeynta iyo maareynta guryaha dowlada

 

245. Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka

 

a) Dejinta iyo meelmarinta siyaasadda qaranka ee gaadiidka circa iyo dhulka kaabayaashiisa

b) Diyaarinta iyo dhaqan gilinta shuruucda la xiriirta gaadiidka circa iyo dhulka

c) Keenidda, Qaybinta, diiwaangilinta, dayactirka, maamulka, sumadsiinta, cayminta, tirokoobidda, kormeeridda, shidaal-siin iyo habsami ugu dhaqmidda gaadiidka dawladda

d) Diiwaangilinta iyo summaadsiinta gaadiidka rayidka ah, kan diblomaansiyiinta ah iyo kan hay’adaha caalamiga ah

e) Bixinta leysimada lagu wado gaadiidka dawladaha iyo kan rayidka ah ee darajooyin kala duwan

f) Diyaarinta kaadir aqoon u leh waddida gaadiidka dawlada iyo kuwa dhaqankiisa

g) Diyaarinta daraasado la xiriira horumarinta iyo casriyeenta gaadidka noocyadiisa kal duwan

h) Saadaalinta iyo qorsheynta baahida gaadid ee dalka mustaqbalka dhow iyo kan dheer, ayadoo lala kaashanayo hay’adaha ku shaqada leh

i) Samaynta, kaydinta iyo bixinta dokumentiga (Milkiyadda) gaadiidka dawladda iyo kan rayidka iyo kala wareejinta gaadiidka la kala gato

j) Tijaabinta xaaladda farsamo ee baabuurta dadweynaha, dhaqangal iyo dhaqangab intaba

k) Diyaarinta calmadaha caalamiga ah ee waddooyinka ayadoo wax-ka-qabashadooda lala kaashanayo hay’adaha kale ee ku shaqada leh

l) Hubinta hagaagsanaanta iyo nabadgalyada waddooyinka ayadoo wax-ka-qabashadooda laka kaashinayo hay’adaha kale ee ku shaqada leh

m) Dhismaha, Qalabeynta iyo maamulka Geggooyinka Diyaaradaha

n) Tababaridda shaqaalaha hawlaha duulista iyo saadaasha hawada iyo abuurista machadyo lagu barto duulinta diyaaradaha iyo xirfadaha kale ee la xiriira gaadiidka rayidka ee circa

o) Ilaalinta iyo ka warheynta duulimaadyada hawada dhex maaxaya

p) Diyaarinta, dhaqan gilinta iyo ilaalinta xeerarka iyo heshiisyada caaliga ee la xiriira duulimaadyada rayidka iyo isticmaalka gegooyinka

q) Sugidda nabadgalyada dayuuradaha iyo rakaabka saran, ayadoo la raacayo shuruucda u degsan, lana kaashanayo hay’adaha caalamiga ee ku shaqo leh

r) Bixinta iyo sugidda laysimada duuliyayaasha diyaaradaha rayidka ah, hoggaamiyayaasha iyo xirfadlayaasha kale ee gaadiidka circa iyo kuwa ganacsiga ee shirkadaha diyaaradaha iyo garoomahada gaadiidka circa

s) Abaabulka iyo samaynta heshiisyada caalamiga ah ee lagu hormarinayo duulista, ama la yeelanayo dalalka shisheeye ama shirkadaha dayuuradaha

t) Diiwaangilinta iyo summadsiinta gaadiidka circa dalka laga leeyahay ama ka hawgalaya.

u) Tijaabada, socodka iyo sugidda xaaladda farsamo ee diyaaradaha

v) Uruurinta xogta iyo wararka la xiriira saadaasha hawada

w) Qiimo u goynta iyo uruurinta khidmadaha laga qaado gaadiidka circa iyo rakaabka isticmaala adeegyada kala duwan ee ay bixiso wasaaradda G. Cirka & Dhulka ayadoo la kaashanaysa hay’adaha kale ee shaqada ku leh

x) Diyaarinta daraasaadka la xiriira horumarinta, casriyaynta iyo aqoonta gaadiidka circa

y) Dib-u-soo noolaynta iyo hawlgelinta hay’addii qaranka duullimaadyada Rayidka iyo Saadaasha hawada (H.D.R.I.S.H.) Somali Civil Aviation Authority

z) Dabagalka, tirikoobka iyo dib-u-soo celinta hantida ay laheyd Shirkaddii “Somali Airlines†(Diyaaradihii, Qalabkii, guryihii iyo Xafiisyadii gudaha iyo dibaddaba ) iyo soo noolaynteeda

aa) Arrimaha (hawlaha) kale ee la xiriira gaadiidka circa iyo dhulka ee aan halkaan ku qornayn

 

 

246. Wasaaradda Gaadiidka iyo Badda iyo Dekedaha

 

a) Dejinta iyo meelmarinta barnaamijka siyaasadeed ee gaadiidka badda iyo dekedaha

b) Horumarinta maareyn hawlaha gaadiidka badda iyo dekedadaha

c) Xoojinta xeerarka caalamiga iyo iskaashiga wax wada qabsi ee dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah eek u hawlan gaadiidka badda iyo dekedaha

d) Dejinta iyo soo saarista xeerarka ku saabsan khidmadaha adeegga ee gaadiidka badaha iyo dekedaha

e) Dejinta iyo hergelinta barnamidyada tabaradda ee hawlwadeenada gaadiidka badaha iyo dekedaha

f) Ilaalinta iyo dhaqangilinta shuruucda iyo xeerarka badda Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah

247. Isku-duwida iyo kormeerka dhaqdhaqaaqa hawlaha gaadiidka badda iyo dekedaha

248. Maamulida, gacan ku haynta iyo hagaajinta calaamadaha badda (sida feynuusyada ku teedsan xeebaha Soomaaliya)

249. Dib u soo celinta iyo dib u habeynta gaadiidka badda ee dowladda iyo ku wareejintooda hantilayda gaar ahaaneed maraakiibta ku habboon wada lahaanshaha ama lahaanshaha gaar ahaaneed

250. Dib u soo noolaynta iyo horumarinta dugsigii sare ee badda iyo casriyeynta cilmiga badaha

251. Abuurista waaxda ilaalinta dekedaha iyo xeebaha Soomaaliyeed

252. Bixinta ruqsadaha dhulka xeebaha (Coastal Areas)

253. Ilaalinta iyo kormeeridda wasaqaynta biyo badeedka dalka, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha caalamiga ah ee shaqo leh.

 

 

 

254. XX. Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta

 

255. Meelmarinta siyaasadda horumarinta ee adeegga boostada iyo isgaarsiinta dalka

256. dib u noolaynta iyo adkaynta xiriirada boostada iyo isgaarsiinta caalamiga iyo kuwii goboleedka.

257. Ku dhaqanka shuruucda iyo heshiisyada boostada iyo isgaarsiinta caalamiga

258. Diyaarinta sharciyada diiwaangilinta shirkadaha gaarka ah ee boostada iyo isgaarsiinta

259. Xadididda, Ogolaanshaha iyo hubinta ku dhaqanka hirarka isgaarsiinta ee la oggol yahay

260. Gaarsiinta adeegyada boostada iyo isgaarsiinta casriga ah dhamaan goboladda iyo degmooyinka dalka

261. Isku-dubarididda, hubinta iyo la socodka shirkadaha isgaarsiinta ee gaarka ah iyo dhiirigelintooda

262. Soo nooleynta adeegyadii boostada iyo isgaarsiinta dowlada

263. Dib u soo nooleynta xarkihii telefoonada eek u aasnaa dhulka dowladda

264. Oggolaansha iyo fasax siinta shirkadaha isgaarsiinta iyo boostada wadaniga iyo shisheeyaha

265. Daabacaada, keydinta, qaybinta iyo iibinta istaambooyinka boostada dalka

266. Dib u dhiska, dib u soo celinta iyo maamulka dugsiyada boostada iyo isgaarsiinta

 

267. XXI. Wasaaradda Bii’adda iyo Maareynta Aafoyinka:

 

268. Dajinta, dib u habeynta iyo fulinta qawaaniinta bii’ada ee dalka iyadoo oo look ala hormainayo sida ay u kala mudan yihiin sida xamakeynta isticmaalka dhuxusha iyo xaarantimaynta dhoofinteeda

269. Dejinta iyo fulinta siyaasadda ilaalinta bii’ada quruxsan ee dabiiciga ah

270. Diyaarinta barnaamijyo habaysan oo lagu dayactirayo dhawaaqyada soo gaaraya bii’ada dalka, isla markaasna lagaga hortagayo waxkasta oo dhib u gaysan kara bii’ada dabiiciga ah.

271. Ka hortagga wasakhaha ay dalku gaarsiiyaan bii’ada dhulka, biyaha iyo hawada iyo waliba kuwa ay dabeecaddu keento. Isla markaasna ay dacwad ku soo oogto kuwa lagu tuhunsan yahay in ay ku daadsheen wasakh iyo haraadiga nukliyeerka badda Soomaaliyeed iyo berrigaba

272. Dejinta iyo fulinta barnaamijyo lagaga hortagayo abaaraha

273. Dejinta siyaasad dhaqan-dhaqaale oo ku salaysan horumarinta bii’ada, iyadoo oo laga ambaqaadayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, waxna loo dhimaynin bii’ada dabiiciga ah

274. Raadinta hay’ado iyo dawlado deeq bixiya oo maalgiliya mashaariicda ku saabsan dhawritaanka baa’ida iyo la dagaalanka nabadguurka iyo waliga musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, fatahaadaha wabiyada, dhulgariirka, IWM

275. Kas qaybgalka diyaarinta iyo fulinta xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira bii’ada

276. Asaasiyada iyo hirgelinta waxbarashada cilmiga bii’ada, iyada oo la dhisayo macaahid, goobo cilmi baaris, makhtabado, iyo maadooyin laga dhigo jaamacadaha

277. Faafinta barnaamijyo bii’adeed oo joogto ah oo lagu wacyi gelinayo dadweynaha si shacabka Soomaaliyeed looga dhaadhiciyo ahmiyadda bii’ada

278. Dejinta nidaam habsami ah loogu isticmaalo dhulka, sida qorsheynta isticmaalka dhulka si meel walba lagaga faa’iidaysto waxa ay ku habboontahay si loo dhawro bii’da

279. Ka badbaadinta dhulka iyo noolaha dhibaatooyinka bii’adda ku dhaca ee ay sababaan miinada iyo ficilada kale ee dagaalada

280. Asaasidda iyo maamulida seerooyin lagu badbaadinayo bilicsanaanta bii’adda, jiritaanka dhirta eek ala duwan iyo noolayaasha kale eek u nool badda iyo berriga

281. Ilaalinta iyo kor u qaadidda bii’adda deegameed sida nidaaminta magaalaynta

282. Joogtaynta xakamaynta bacaadka iyo nabad guurka iyada oo la daryeelka daaqsiinta

283. Helida ilo tamareed oo lagu beddelo isticmaalka dhuxusha iyo qoryaha

284. Fulinta ololeyaal mashaariiceed oo bacaad-celin, dhir beerida iyo carro-tuur ka ilaaliyo dhooqada iyo wasakhaha dibadda biyaha webiyada iyo kanaalada

285. Abuuridda iyo howlgelinta ciidamo ilaaliya dhirta iyo kaymaha

 

286. XXII. Wasaaradda Sayniska iyo Teknoolijiyada

 

287. Hirgelinta siyaasadda dowladda ee la xiriirta ka faa’iidaysiga cilmiga sayniska iyo wax soo saarka tiknoolijiyada casriga ah

288. ku dabaqidda cilmiga sayniska iyo tiknoolojiyada casriga horumarinta dalka

289. isku duwidda barista cilmiyeed ee wasaaradda iyo hay’adaha dalka iyo kuwa caalamiga

290. Abuuridda xarun qaran ee cilmi baaris oo ku qalabaysan sheybaar casri ah, leh qab lagu kaydiyo, laguna baaro xogta iyo raad raacyada dhibaatooyinka keena dib u dhaca wax soo saarka dalka

291. Baarista tiknoolojiyada casriga ah eek u habboon dalka

292. Kor u qaadidda aqoonta cilmi baarayaasha iyo farsamoyaqaanadda

293. Ku dhiirigilinta hay’adaha ka faa’iideysiga tiknoolojiyada wareed ee casriga ( Information technology)

294. Xoojinta iskaashiga hay’adaha caalamiga iyo kuwa goboleed ee ku lug leh culuunta iyo teknoolojiyada.

 

295. XXIII. Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha federaalka

 

296. Diyaarinta dastuurka federaaliga ah ee dalka ayadoo la fulinayo qodobka 38aad Faq. 8aad Axdiga KMG

297. Dersidda iyo ka baarandegidda noocyada federaalka ee dunida ka jira iyo doorashada nooca ku habboon dhaqanka, caadooyinka iyo duruufaha gaar ahaaneed ee dadka iyo dalka

298. La shaqaynta iyo la tashiga guddiga qaranka ee dastuurka

299. Kala tashiga dastuurka federaaliga qaybaha bulshada

300. RAadinta khubaro ku xeeldheer dejinta dastuurka federaali ah oo ku habboon dalalka soo koraya.

301. u soo gudbinta daraafka dastuurka federaaliga golaha wasiirada ka hor dhammaadka muddada KMG

302. Diyaarinta iyo qabashada aftida dastuurka federaaliga

 

303. XXIV. Wasaaradda Xiriirinta Golaha shacabka

 

304. Iskuduwidda xiriirka u dhaxeeya golaha shacabka iyo golaha wasiiradda si loo damaanad qaado dawrka ka dhaxeeya golaha sharci dejinta iyo golaha gulinta

305. Ka qayb qaadashada qorshaha barnaamijyada siyaasadeed ee dowladda iyadoo u jeedadu tahay kicinta iyo abaabulida guud dadweynaha si ay u meelmariyaan siyaasadda guud ee dawlada

306. U bandhigida golaha wasiiradda fikradaha iyo tallooyinka ay soo jeediyaan golaha sharci dejinta eek u wajahan waxqabadka guud dawladda

307. In ay kala xiriirto golaha shacabka si loogu helo oggolaansho barnaamijyada, soo jeedinta iyo qorshaha guud ee dawladda, ka dibna ay u meelmariyaan una ansixiyaan mashaariicda xeerarka iyo qawaaniinta

308. Isuduwidda dhammaan hawlwadeenadda siyaasadeed ee jira kuwaasoo iyana markooda u sii gudbiya go’aanadda siyaasadeed ururka bulshadda eek ala duwan si wasaaraddu u hesho xogta dhabta ah ee jira bulshadda dhexdeeda, ka dibna ay ka diyaariso qaraarad iyo mashaariic xeerar una gudbiso golaha shacabka iyo golaha wasiirada.

309. In ay ku samayso dabagal joogta ah sida ay u fulaan go’aamadda ka soo baxa golaha shacabka eek u wajahan qaybaha kala duwan ee dawladda

310. U fududaynta gudiyadda goalaha shacabka hawlaha ka dhexeeya gudiyadda iyo wasaaradaha

311. U gudbinta gudiyadda golaha shacabka ee sharuucda iyo go’aanadda ka soo baxa golaha wasiiradaha

312. Gaarsiinta go’aanadda guud ee ka soo baxa golaha wasiirradda gudiyada kala duwan ee baarlamaanka

313. La socodsiinta golaha wasiirrada hadba hawlaha baarlamaanka ka sugayo

314. Horkeenida sharciyada laga soo gudbiyo golaha wasiirrada gudiyadda kala duwan ee baarlamaanka

315. Ka qaybgalka wasaaradda hawlaha xoghaynta guud ee galaha shacabka ka hor qabashadda kulamada loogu diyaarinayo fadhi xiliyeedka galaha shacbaka. Waxaana lagama maarmaan ah ka qaybgalka xafladaha fritaanka galaha shacabka si loogu qaybiyo waxqabadka wasaaradda.

 

316. XXV. Wasaaradda Dib U Heshiisinta iyo xallinta Khilaafaadka

 

317. Dejinta iyo meelmarinta siyaasadda dib u heshiisinta heer qaran gobol iyo degmo

318. La tashiga iyo la shaqaynta guddiga qaranka ee dib u heshiisiinta

319. Abaabulidda shirar dib u heshiisiineed oo siyaasadeed iyo beeleed

320. Qabasho aqoon-iswaydaarsiyo wacyi gilineed iyo abuurid jawi is afgarad, kalsooni iyo nabad ku wadanoolaansho.

321. Samaynta olole dib u heshiisiineed oo ka hana qaada aasaaska bulshada

322. Ka qayb gelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta bulshada rayidka

323. Ka hor tagga khilaafaadka dhaliya gacan ka hadalka iyo abuuridda qaab deg deg loogu xakameeyo dhacdooyinka noocaas ah

324. Ka faa’iidaysiga waaya aragnimada iyo awoodda maaliyadeed iyo farsamo ee hay’adaha caaliga

325. Dhexdhexaadinta iyo xal u helidda arrimaha la isku af garan waayo.

 

326. XXVI. Wasaaradda Tacliinta Sare

 

327. Dejinta iyo meelmarinta Siyaasadda tacliinta sare ee dalka

328. Maareynta iyo horumarinta tacsliinta sare ee dalka

329. Dejinta shuruucda macaahidda iyo jamadaha gaarka ah

330. Maamulka deeqaha tacliinta Sare

331. Dejinta, tayaynta iyo meelmarinta manhajka tacliinta sare

332. Diyaarinta aqoonyahano leh culuunta kala duwan ee loogu baahan yahay horumarinta dalka.

333. Xoojinta xiriirka hay’adaha caalamiga ah sida UNESCO, ALESCO iyo ISESCO

334. Soo nooleynta iyo casriyeynta maktabadda qaranka

335. Qiimeynta, diiwaangilinta, bixinta iyo tasdiiqa shahaadooyinka Tacliiinta Sare

336. Kor u qaadidda aqoonta barayaasha iyo bara-kaaliyayaasha

337. Dhiirigilinta iyo horumarinta cilmi baarista aqooneed ee jaamacadaha

338. Ku dhaqanka sharciga aqoonsiga shahaadooyinka jaamacaha ee caaliga.

339. Ku faafinta tacliinta sare gobollada

340. Soo nooleynta jaamacaddii Ummadda.

 

341. XXVII. Wasaaradda WAxbarashadda iyo barbaarinta

 

342. Dejinta iyo meelmarinta siyaasadda waxbarashada dalka

343. Dejinta sharciyada waxbarashada dugsiyada dowladda iyo kuwa gaar ahaaneed

344. Dejinta iyo dhaqangilinta manhajka guud ee waxbarashada dalka

345. Maamulidda iyo kor u qaadidda wabarashada dadka waaweyn

346. Dejinta imtixaanada guud ee fasalada 8aad iyo kuwa 12aad ee dalka

347. Tababaradda iyo kor u qaadidda aqoonta macalimiinta dugsiyada waxbrasho.

348. Maamulka iyo kormeerka qaybaha barbaarinta caruurta

349. Mideynta iyo hubinta ku dhaqanka manaahiijta waxbarashada ee dhammaan dugsiyada dowladda iyo kuwa gaar ahaaneed

350. Diyaarinta iyo hergelinta maktabado fasal ilaa heer iskuul

351. Hubinta iyo diyaarinta buugaag ardaydu wax ku barato manhajkana ku dejisan in laga helo goobaha dugsiyada waxbarashada iyo barbaarinta

352. Xoojinta xiriirka hay’adaha kala ah UNESCO, ALESCO, ISESCO, UNICEF, WFP waliba la balaariyo in waxtar weyn laga helo si loo soo kobo burburka aan xadeysaneyn kuna habsaday waxbarashada iyo barbaarinta

353. Hubinta iyo hergelinta in ardayda la qorayo dugsiyada hoos ee bilawga ah (elementary schools) ay yaqaanaan labada jus (Cama iyo Tabarak) ee qur’aanka kariimka ah shuruudna lagaga dhigo

354. Oggolaanshaha furidda dugsiyada waxbarashadda gaar ahaaneed

355. Diiwaangilinta bixinta iyo tasdiiqa shahaadooyinka waxbarashada dugsiyada hoose, dhexe iyo sare.

356. Hubinta qalabka iyo qaabdhismeedka dugsiyada waxbarashada

357. Abuurida dugsiyo farsamo oo heerar kala duwan.

 

358. XXVIII. Wasaaradda Caafimaadka

 

359. Dejinta iyo meelmarinta siyaasada caafimaadka ee dalka

360. Diyaarinta barnaamijka caafimaadka asaasiga, ayadoo laga ambaqaadayo heshiiskii Alma-Ata (1978)

361. Ku baraarujinta dadweynaha ka hortagga iyo daaweynta ducurada faafa iyo kuwa dilaaga ah sida TB, AIDS, IWM

362. Daryeelka caafimaadka hooyada, dhalaanka (MCH) iyo fidinta talaalka haweenka iyo caruurta (Family Health Care)

363. La dagaalanka nafaqo daridda iyo nadaafad xumida (Malnutrition and sanitation)

364. Dib u habeynta iyo horumarinta cusbitaalada dalka, dugsiyada caafimaadka iyo macaahidda cilmi baarista caafimaadka dalka

365. Tababaridda iyo kor u qaadidda aqoonta iyo waayo aragnimada taakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka

366. Dib u habeynta iyo casriyeynta qalabka Bankiga dhiiga

367. Xoojinta iyo qalabeynta xarumaha gurmadka deg dega ah ee dalka

368. Hubinta, diiwaangilinta iyo fasax siinta takhaatiirka, farmashiyaalka iyo shaybarada ku hawlan adeegga caafimaadka dadweynaha

369. Dhiirigilinta soo saarka daawooyinka iyo talaalka

370. Xoojinta xiriirka iskaashiga ee hay’adaha goboleed iyo kuwa caalamiga sida WHO, UNICEF, IWM.

371. U adeegsiga baarista caafimaadka teknoolojiyada casriga

372. Dib u soo noolaynta shaybaarka dhexe ee baara daawooyinka dhacay iyo cuntada ee dalka la keenayo (Tayo iyo waqtiga ay dhacayso)

373. Dib u soo noolaynta xafiiska faya dhawrka (Ufficio Igiene) ee baara nadaafada guud iyo meelaha laga cunteeyo.

 

374. XXIX. Wasaaradda Hiddaha, Dhaqanka iyo Fanka

 

375. Dejinta iyo meelmarinta Siyaasadda horumarinta hiddaha, dhaqanka iyo Fanka.

376. Horumarinta fanka iyo fanaanka

377. Soo nooleynta akadamiyada hiddaha iyo dhaqanka iyo matxafki qaranka

378. Dhawrista iyo kaydinta raadadka iyo qalab-taariikheedkii hiddaha iyo dhaqanka suuban

379. Raad-goobka iyo keydinta taariikhdii halgamayaashii dalka

380. samaynta baaris cilmiyeed la xiriirta arkiyooloji iyo taariikhdii soo jireenka aheyd ee Ummadda Soomaaliyeed.

381. Soo noolaynta iyo horumarinta tiyaatarkii qaranka

382. Dhiirigilinta abwaaniinta fanka iyo suugaanta

383. Abaabulidda tartamo faneed iyo suugaaneed

384. Ku fidinta barashada fanka iyo suugaanta dugsiyada dalka

385. Horumarinta farshaxanka iyo hal-abuurka sawirada

386. Qabashada bandhigyo faneed

 

387. XXX. Wasaaradda Shaqada iyo Badbaadinta Shaqalaha

 

388. Diyaarinta iyo hubinta meelmarinta siyaasadda iyo shuruucda shaqada iyo shaqaalaha

389. Shao bixinta shaqaalaha dowladda iyo kuwa aan dawliga aheyn

390. Ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo tabaradooda

391. Xafididda dokumentiga, diiwaangilinta iyo xaqsiinta shaqaalaha dowladda

392. Samaynta tirakoob shaqaalaha

393. Isku duwidda iyo hubinta ku dhaqanka hay’adaha samafalka sharciga shaqaalaha gaar ahaaneed

394. Hubinta iyo xaqiijinta aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha ajnabiga ah si shaqo uu qaban karo muwaadin Soomaaliyeed loo siin qof ajnabi ah

395. Hubinta u sinaanta dadka shaqada

396. Abuurista hay’adaha badbaadada shaqaalaha

397. Xoojinta xiriirka hay’adaha goboleedka iyo kuwa caalamiga ee shaqaalaha

398. Samaynta guddiga qiimaynta farsamada

399. La tashiga iyo la shaqaynta guddiga qaranka ee shaqaalaha dawladda

400. Dib u soo noolaynta xarumaha tababarrada farsamada shaqaalaha

 

401. XXXI. Wasaaradda Hub ka dhigista, dhaqancelinta iyo daryeelka.

 

402. Diyaarinta iyo meelmarinta siyaasadda eek u wajahan dhaqancelinta hub ka dhigista iyo daryeelka

403. Sameynta daraasado, sahamo, qorshooyin horumarineed iyo tirikoob ku salaysan xaqiiqo raadinta tirade maleeshiyada iyo dhalinyarada hubaysan iyo tirade naafada la daryeelayo

404. Wacyi gilinta iyo tababarida farsamo ee dhallinyarada hubka gacanta u galay si loogu soo duwo ka qayb gaadashada hawlaha bulshada

405. Diyaarinta machadyo (Rehabilitation centers and vocational training schools) dhaqan celin oo loogu magic daro qalinka qaado qoriga dhig

406. Diyaarinta manaahij iyo macallimiin tababarta dhillinyarada farsamooyinka kala duwan oo ay ku shaqaysataan

407. Dhisidda dugsiyo gaar u ah indhoolayaasha iyo dhagoolayaasha si loogu tababaro

408. U diyaarin tartan aqooneed iyo isboorti oo dhex mara naafada

409. Ka qayb gelinta naafada shaqada dowlada iyo kuwa gaar ahaaneed eek u habboon

410. Abuurid hay’ad madax banana ee daryeeshanaafada hoos timaada wasaarada

411. Xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga hay’adaha kala duwan eek u shaqada leh dhaqancelinta, hub-ka-dhigista iyo daryeelka naafada ha noqdeen kuwo goboleed, qaaradeed ama kuwa caalamiga ah.

 

412. XXXII. Wasaaradda Dalxiiska iyo Badbaadada Duurjoogta.

 

413. Dejinta iyo meelmarinta siyaasadeed ee dalxiiska iyo daryeelka duurjoogta dalka

414. Dib u noolaynta, hanashada iyo habeynta xarumihii hore ee duurjoogta sida tii Muqdisho iyo abuurista kuwa cusub iyadoo xiriir lala yeelanayo dawlaha iyo hay’adaha caalamiga ah eek u hormay dalxiiska iyo duurjoogta

415. Diyaarin, abuuris iyo meelmarinta mashaariic horumarineed ee wajiyo badan leh lana xiriirta hawlaha ay wasaaraddu u xilsaaran tahay

416. Samayn jawi soo jiita dalxiisayaasha, iyadoo loo samaynaayo tuulooyin dalxiis, hoteelo ku habboon dalxiis, maababm qoraalo iyo tusmooyin ku habboon hawlaha dalxiiska

417. Samayn iyo ku faafin dalka oo dhan xirmooyinka duurjoogta oo loo daawasho tago, laguna daryeelo tarankooda iyo noloshooda

418. U samayn tas-hiilad dalxiisayaasha iyo xayaysiimo soo jiita iyaga

419. Ku dhiirigilinta dadweynaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed ka qayb qaadashada horumarinta hawlaha dalxiiska iyadoo loo sahlayo shuruucda la xiriirta ka qayb qaadashadooda

420. Kor u qaadida tayada waxqabad iyo aqooneed ee shaqaalaha dalxiiska iyadoo lala kaashanayo dawlahada ku hormay dalxiiska

421. Soo bandhigida raadadka farshaxanka, qalabka hiddaha iyo dhaqanka suuban ee Ummada Soomaaliyeed caanka ku tahay, lalana kaashanayo Wasaaradda Hiddaha, Dhaqanka iyo Fanka

422. Ka qayb qaadashada ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga goobaha taariikhiga ah ee dalka

423. Adkeynta, mamnuucidda, laynta iyo ka ganacsiga huurjoogta lana hirgaliyo shuruucdii hore uga degsanaa

424. Dib u soo noolayn iyo hawlgalinta ciidamadii hore u ilaalin jirey duurjoogta, lana xoojinayo xirfadahooda iyo tayadoodaba

425. Ka hirgelinta dalka siyaasadda furfuran dhinaca dalxiiska

426. Soo noolaynta iyo hanashada hoteeladii hore ee dawladda iyo dib u soo hagaajintooda, loona raadiyo maalgelin dibadeed

427. Xoojinta wax la qabsiga hay’adaha dalxiiska ee adduunka dhinacyadiisa kal duwan

428. Dhiirigilinta iyo kor u qaadidda tayada hoteelada gaar ahaaneed ee hada jira iyo kuwa la dhisi doono si ay u noqdaan kuwa ku habboon dalxiiska iyo soo jiidashada macaamiisha, martida iyo dalxiisayaasha

429. Kormeerka iyo dabagalka habsami u socodka hawlaha kala duwan ee Wasaaraddu u hayso qaranka

 

430. XXXIII. Wasaaradda Dawladaha Hoose

 

431. Dejinta iyo meelmarinta siyaasadda dawladaha hoose ee dalka

432. Ku dhaqidda dawladaha hoose sharciga ismaamul goboleedka dalka

433. Isku-duwida qorshaha iyo mashaariicda horumarineed ee dawladaha hoose

434. Kormeerka iyo dabagalka habsami u socodka hawlaha G/deegaamada ee dawlahada hoose

435. Xiriirinta iskaashiga iyo wada shaqaynta Ismaamul goboleedyada oo ay dawladaha hoose ka mid yihiin

436. Xiriirinta dawladaha hoose iyo dawladda dhexe

437. U raadinta maalgelin barnaamijyada horumarineed ee dawladaha hoose

438. Abaabulidda iyo qabashadda aqoon-is waydaarsiyo maamul, xisaabeed iyo farsamo oo kor loogu qaado tayada wax qabad ee hawlwadeenada iyo shaqaalaha dawladaha hoose ilaalinta danaha dawladaha hoose iyo hubinta xilgudashada Golayaasha deegaanada dalka

439. Kormeeridda habsami u maamulidda hantida dawladaha hoose

440. La socodka iyo u kuurgalidda hab-xisaabeedka dakhliga iyo kharashka dawladaha hoose ee dalka

441. Hubinta jaangooyada bilicsamida magaalooyinka dalka

442. Xiriirinta urur goboleedyada iyo kuwa caalamigaah oo ay iskaashiga la leeyihiin dawladaha hoose sida:- Magaalooyinka carbeed oo ay xubinta ka tahay Soomaaliya.

443. Xaqiijinta ku dhaqanka shuruucda u degsan canshuraha dawladaha hoose iyo xuquuqda kale oo qayb ahaan dawlahada hoose ku leeyihiin hay’adaha dawladda dhexe iyo kuwa madax banaanba

444. Gudashada xilalka ku xusan sharciga ismaamul oboleedka, midka caasimadda iyo shuruurcda kale ee la xiriirta hawlaha dawladaha hoose

 

445. XXXIV. Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga

 

446. Dejinta iyo meelmarinta siyaasadda isboortiga iyo horumarinta dhallinyarada

447. Dib u noolaynta hay’adihii isboortigii ee dalka

448. Horumarinta tayada isboortiga ee dalka

449. Ka warqabidda iyo abaabulidda dhismaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed

450. Ku wacyi gilinta dadweynaha iyo dhallinyarada muhiimadda isboortiga uu u leeyahay

451. Kor u qaadidda aqoonta farsamo ee ciyaartoyda

452. Dib u habeynta nidaamka iyo shuruucda ciyaaraha dalka

453. Xoojinta iskaashiga hay’adaha ku lugta leh isboortiga

454. Dayactirka dib u dhiska iyo casriyenta garoomada cayaaraha eedalka iyo qalabka isboortiga

455. Ka qayb galka cayaaraha iyo shiraraka caalamiga ee isboortiga

456. Abaabulidda tartamo kale duwan oo ciyaareed (Qaran, gobol iyo degmo)

457. Xoojinta xiriirka iskaashiga ee hay’adaha isboortiga ee caalamiga

458. Kala dagaallanka dhallinyarada dhaqammada xun

459. Uga abuuridda dhallinyarada xarumo isdhaafsi aqooneed, faneed, cayaareed iyo dodo cilmiyeed deegaannadooda

460. Uga samaynta dhallinyarada garoomo cayaareed iyo beero nasasho deegaannadoodo

 

461. XXXV. Wasaaradda Haweenka iyo Arrimah Qoyska

 

462. Dejinta siyaasadda horumarinta haweenka iyo caruurta

463. Xoojinta kaalinta haweenka ee hooyonimo iyo shaqaalenimo

464. Dhiirigilinta iyo horumarinta xarumaha xanaanada caruurta

465. Dhawrista xuquuqda haweenka iyo caruurta

466. Ka hortagga iyo joojinta gudniinka fircooniga iyo dhaqamada haraadiga ah

467. Ku wacyi gilinta dadweynaha u damqashada haweenka iyo caruurta

468. Diyaarinta barnaamijyada kor u qaadidda garaadka caruurta maqal iyo muuqaal

469. Xoojinta iskaashiga hay’adaha horumarinta haweenka iyo caruurta heer gobol iyo mid caalamiba

470. Isku-duwidda iyo hagidda ururadda haweenka

471. Ka warqabka iyo la socodka arimaha aqoonta

472. Furidda dugsiyada waxbarashada haweenka sida (Domestico)

473. La socodka daryeelka caafimaadka hooyada, dhallaanka iyo tallaalka haweenka iyo caruurta

474. Daryeelka aqoonta

 

475. XXXVI. Wasaaradaha Arrimaha Jaaliyadaha Dibadeed iyo Qaxootiga

 

476. Dajinta iyo meelmarinta siyaasadda dawladu ka leedahay jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Qaxootiga dibadda ku nool

477. U habeynta ururo bulsho iyo dhaqameed oo u hawl gala danahooda iyo midnimadooda

478. Tirakoobka jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Qaxootiga ayadoo lala kaashanayo mas’uuliyiinta dalalka ay ku nool yihiin

479. Ogaanshaha iyo la socodka xaalada nololeed ee jaaliyadaha Soomaaliyeed

480. Dhaqanka suuba ee Soomaaliyeed, iyo dhawrista shuruucda hab dhaqanka dalalka iyo mujtamaca ay la noolyihiin

481. Kala xiriiridda dawladaha u sahlidda waxbarashada iyo shaqaalaynta jaaliyadaha Soomaaliyeed

482. Ka faa’iidaysiga aqoonta, xirfadaha iyo dhaqaalaha jaaliyadaha Soomaaliyeed

483. Abuuridda jawi iyo tas-hiilaad soo jiita maalgilinta jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo soo noqodka cidii u diyaar ah

484. U dejinta barnaamij dib u dejineedqaxootiga Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool dalalka dariska ah, iyo u raadinta maalgelintiisa

485. Diyaarinta barnaamij dib loogu soo ilinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee aan la aqoonsan ayadoo lala kaashanayo dawlahada maqan geliyey iyo hay’adaha caalamiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this