Sign in to follow this  
Deeq A.

Hey’adda Gargaarka oo Ka Shirtay Sidii Gargaar Loo Gaarsiin Lahaa Dadka Danta Yar

Recommended Posts

Deeq A.   
Shir heerkiisu sarreeyo oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo looga hadlaayay dardargalinta howlaha gurmadka Soomaaliya iyo Sidii Gargaar loo gaarsiin la ahaa dadka danta yar ee ku nool gudaha dalka ayaa lugu qabtay magaalada Muqdisho.
Waxaa shirkan ka qeyb-galay Ergayaga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyada ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallad Mudane Maxamed Cabdi Waare, Wakiilo ka socday deeq bixiyayaasha, hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay, hay’adaha aan dowliga ahayn ee gargaarka ka shaqeeyo, masuuliyiin ka socotay Dowlada Gobaleedyada dalka iyo hay’adaha gargaarka ee maxaliga ah.
Gudoomiye ku-xigeenka Hay’addda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Dr Axmed Cabdi Aadan oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay in ujeedka shirka yahay yahay sidii loogu codsan lahaa deeq bixiyayaasha in kor u qaadaan deeqaha ay ugu talagaleen bulshada si ay awood ugu yeeshaan in ay u gurmadaan shacabka ku nool deegaannada fog fog ee dalka.
343748572_903133117584729_74927639416445
343574800_536723518673494_90235676412629
343506061_219692827365568_31491770942948
343622062_541685874570022_11164901645318
343597158_605281781509987_37502274752231
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this