Sign in to follow this  
Deeq A.

55 qof oo ku geeriyooday doon ku degntay xeebaha dalka Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Doonni ay saarnaayeen tobanaan tahriibayaal ah oo ku sii jeeday dalalka Yurub ayaa ku degtay xeebaha dalka Liibiya.

Wararka ayaa sheegayaan in ay goobtaas ku dhinteen ugu yaraan 55 qof oo ay ku jiraan caruur iyo haween, sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca socdaalka.

Doonta qaraqantay ayaa sidday illaa 60 tahriibe, waxayna ka shiraacatay xeebta magaalada Garabouli oo dhinaca bari ka xigta caasimadda Tripoli.

Hay’adda Socdaalka ayaa sheegtay in shan qof ay ka badbaadeen masiibadan, kuwaas oo ay ciidamada ilaalada xeebaha ee Liibiya ay keeneen dhinaca berriga.

PUNTLAND POST

The post 55 qof oo ku geeriyooday doon ku degntay xeebaha dalka Liibiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this