Jumatatu Posted August 4, 2005 Francois Fal: Wixii Kulankan ka Danbeeya Waxaan Oran Karaa Khilaaf Badan ayaa u Dhexeeya Xubnaha Dawlada. François Lonsény Fall Isha Warka: Reuters Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr Francois Fal, ayaa dayro ka muujiyey dadaalka la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya xubnaha dawlada FKMG ah. Kadib kulan uu shalay la yeeshay gudoomiyaha Baralamaanka Shariif Xassan Sh. Aadan, Ra’iisuwasaare ku xigeenka Sifir, Muuse Suudi, Cumaan Caato, iyo Maxamad Qanyare, ayuu Mr Fall shegay in "in ay waajahayaan siyaasad ku socoto wado xiran". Mr Fall wuxuu kaloo sheegay inuu garawsaday in khilaafka u dhexeeya xubnaha dawlada uu yahay mid weyn oo dhinacyo badan, isagoo arrinkaas ka hadlayana wuxuu yiri “Wixii kulankan ka danbeeya waxaan oran karaa khilaafka u dhexeeya xubnaha dawlada waa mid faro badanâ€. Arrimaha la isku mari la’yahay ayaa ah halka xarun u noqonaysa DKMG ah, keenista ciidanka shisheeye iyo qaabka loo dhisayo ciidan qaran. Quote Share this post Link to post Share on other sites