Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay ujeedka safarka Madaxweyne Xasan sheekh ee Uganda?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16825510918358317.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo shir-madaxeedka dalalka ciidamadooda ka qeybta yihiin howgalka ATMIS.

Madaxda ayaaa shirkaas uga arrinsanaya hannaanka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay kaga qeyb qaadanayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ee hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuid ayaa shirkaas ku soo bandhigaysa qorshaha ay kula wareegayso amniga dalka iyo qorshaha wajiga labaad ee howlgalka lagula dirirayo Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Muxuu yahay ujeedka safarka Madaxweyne Xasan sheekh ee Uganda? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this