Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Caafimaadka Soomaliya oo Shir Kaga Qeybgalaya Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Mudane, Cali Xaaji Aadan ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Hindiya, waxaana garoonka diyaaradaha Indira Gandhi Airport ee Caasimadda New Delhi kusoo dhaweeyay Safiirka Safaaradda J.F Soomaaliya Mudane, Axmed Cali Daahir iyo Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka Mudane, Cabdifataax Cabdullaahi Nuur.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa Hindiya inta uu joogo kaga qeyb gali doona shirar kala duwan oo uu ugu horreeyo shir caalami ah oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Caafimaadka (Ministry of Health and Family Welfare) iyo midawga ganacsatada iyo warshadaha (Federation of Indian Chambers of Commerce and Industry) dalka Hindiya, islamarkaana hal ku dhiggga sannadkaan uu yahay ONE EARTH.ONE HEALTH oo ah hal dhul iyo hal caafimaad.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this