Sign in to follow this  
Deeq A.

Xabbad-joojintii dalka Suudaan oo burburtay kadib markii dagaal ka qarxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal ayaa mar kale ka qarxay Sudan, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay.

Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin ay sameeyeen Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya.

Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Sudan, Volker Perthes ayaa Golaha Ammaanka u sheegay Talaadada in xabbad-joojinta ay u muuqato inay illaa hadda ka dhaqan-gashay qeybo ka mid ah dalka.

Tan iyo markii uu dagaalka billowday 15-kii April, ciidanka Dacmu Sariic ayaa galay xaafadaha ay shacabka degan yihiin, waxaana militariga ay billaabeen inay dusha sare uga beegsadaan duqaymo.

PUNTLAND POST

The post Xabbad-joojintii dalka Suudaan oo burburtay kadib markii dagaal ka qarxay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this