Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad reer Jabuuti ah oo laga soo daadgureeyay dagaalka Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa sheegtay inay xidhay safaaraddii ay ku lahayd dalka Suudaan.

War qoraal ah oo ay soo saartay ayay ku sheegtay in safaaradda Khartoum aan loo tixgelin in ay tahay meel ay isugu yimaadaan dadka doonaya in ay ka baxaan caasimadda.

Safaaradda ayaa sheegtay in ay howlaheeda ka sii wadi doonto magaalada Paris iyadoo mas’uul ka yahay safiirka.

“Faransiiska ayaa abaabulaya si loo fududeeyo xabbad-joojin iyo dib-u-soo-celinta geeddi-socodkii siyaasadeed ee Suudaan, waxay si buuxda u taageereysaa habka isku-dubbaridda ee ay hormuudka ka tahay Midowga Afrika, IGAD [Urur Goboleedka Horumarinta ee Bariga Afrika], Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay,” ayay raacisay.

Faransiiska “wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay joojiyaan dagaallada, oggolaadaan helitaanka bini’aadantinimo, u turaan dadka rayidka ah, oo ay ku soo laabtaan waddada wadahadalka siyaasadeed”.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this