Deeq A. Posted April 25, 2023 Goor danbe oo xaley ah waxa ka dhaqan-galey Dalka Suudaan xabad-joojin ay si wadajir ah uga soo shaqeeyeen Maraykanka iyo Sucuudi carabiya. Labada Janaraal ee kala hogaaminaya Dagaalka ayaa shaaciyey iney u hogaan samayaan Xabad-joojinta, si fursad loo siiyo gurmadka bini’aadanimada. Dalka Suudaan ayaa waxa 15 April ka qarxey dagaal u dhexeeya Labadii Janaraal ee heshiiska ku ahaa Afganbigii Madaxweynihii hore ee Dalkaas Cumar Al-Bashir, waxaana lagu waramayaa inta la ogyahay ay Dagaalkaas ku geeriyoodeen ilaa 427 oo qof. Source Share this post Link to post Share on other sites