Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Danab oo deeq raashin ah gaarsiiyay degaanno laga saaray Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka kumaandooska gaarka ah ee Danab oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay degaanno laga xoreeyay Al-shabaab.

Ciidanka Danab ayaa deeqdaas raashinka ah ku caawiyay shacabka ku dhaqan magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud iyo degaannada hoos yimaada ee laga saaray Al-shabaab.

Degaannada ay deeqda gaarsiiyeen ciidanka ayaa waxaa kamid ah Ceel-Xaaji iyo tuulooyinka u dhow waxaana goob joog ahaa xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidanka Danab ayaa sheegay in ay gacan kula dagaallamayaan Al-shabaab halka gacanta kalena ay ku caawinayaan shacabka laga xoreeyay kooxdaas.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka Danab oo deeq raashin ah gaarsiiyay degaanno laga saaray Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this