Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo shir madaxeed ku yeelanaya waddanka Ugaandha

Recommended Posts

Deeq A.   
Kambala-1-860x456-1.png?resize=860%2C456

Dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa kulan ay kaga arrinsanayeen dardar gelinta dagaalka lagula jiro Al-shabaab waxay ku yeesheen dalka Uganda.

Shirkan ayaa horudhac u ah shir madaxeed maalmaha soo socda ka dhici doona dalka Yugaandha oo lagu wado in ay ka qeyb galaan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka ATMIS, kuwaas oo kala ah Jabuti,Yugaandha, Burundi, Kenya, Ethiopia.

Shirka ayaa looga dooday sidii ay ciidamada ATMIS uga qeyb qaadan lahaayeen dardar gelinta dagaallada lagula jiro Al-shabaab kulanka ayaa sidoo kale warbixin looga dhagaystay xubno ka socda waddamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Madaxda shirka ka qeyb gashay ayaa waxay sheegeen in howlgallada ka socda Soomaaliya oo ay iska kaashanayaan Ciidamada xoogga dalka iyo dadka shacabka ah laga gaaray guula mira-dhal ah.

Wafdiga ka socda Soomaaliya ee shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo fulinta qorshaha xasilinta dalka uu meel wanaagsan marayo si amniga dalka loogu wareejiyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dabayaaqada sannadka 2024.

PUNTLAND POST

The post Dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo shir madaxeed ku yeelanaya waddanka Ugaandha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this