Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka arrimaha dibadda BURUNDI oo shirar ka wada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
342984295_752664013171380_64504902506352

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ku sugan wafdi ballaaran oo uu hogggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Burundi, Mudane Albert Shingiro, kaas oo Axaddii lagu soo dhoweeyay garoonka Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka Ciidamada, kaas oo u yimid kormeerka ciidankooda.

Wasiir Albert Shingiro ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) oo ay yeesheen wadahadallo gaar ah.

Labada mas’uul ayaa kulankooda diiradda ku saaray taageerada xagga ammaanka ee Burundi ay siiso Soomaaliya, iyagoo qayb ka ah hawlgalka ATMIS.

Wasiir Huruuse ayaa sidoo kale dhiggiisa dalka Burundi uga mahadceliyay kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin howlgalka ATMIS ee Ciidamada Midowga Afrika.

Sidoo kale waxaa la filayaa in wafdigan ay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si ay ula yeesheen wadahadallo ku aadan xiriirka labada dal.

Sidoo kale waxaa  la sheegay in la wadaagi doonaan dhanbaal ay ka sidaan madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye, si ay u gaasiiyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Burundi ayaa ka mid ah waddada dhanka milatariga ka taageera Soomaaliya, waxayna qayn ka yihiin howlgalka ATMIS ee ururka Midowga Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socdo dagaal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka qayb qaadanayaan waddamada ay ciidamada ka joogaan dalka.

342984295_752664013171380_64504902506352 343010554_630603662248561_66712510364355 342615426_751705213164262_91916399760148 342624612_226280543329326_36999542690023 342909739_3477875369205393_2553392964930 342914847_154172717607613_29827031648747

The post Wasiirka arrimaha dibadda BURUNDI oo shirar ka wada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this