Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen. Khaliifa Xaftar oo la sheegay in uu qayb ka yahay dagaalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Jananka ka dagaallama dalka Liibiya ee Khaliifa Xaftar uu gacan weyn ku lahaa diyaarinta iyo isku durba ridka duullaanka ay qaadeen ciidanka Gurmadka deg dega ah ee dirirta ka wada dalka Suudaan.

Wargeyska oo soo xiganaayey ilo ka ag dhow labada dhinac ayaa shaaca ka qaaday in Khaliifa Xaftar uu si weyn u taageerayo jananka hoggaamiya ciidanka RSF ee Maxamed Xamdaan Dogolo.

Tan ayaa sii xoojinaysa xogo maalmahan warbaahinta qaarkood soo tebinayso oo sheegayey in ay Suudaan soo galeen maleeshiyaadkii ka dagaallami jirey dalka Liibiya.

Khaliifa Xaftar oo hore loogaga adkaaday dagaalladii uu ka galay dalka Liibiya ayaa xilligan u muuqda mid awooddiisa ku soo bandhigaya waddanka Suudaan oo toddobaadkii labaad Dagaal culus ka socdo.

PUNTLAND POST

The post Gen. Khaliifa Xaftar oo la sheegay in uu qayb ka yahay dagaalka Suudaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this