Sign in to follow this  
Deeq A.

Mucaaradka Kenya oo mar kale ku baaqay dibad-baxyo ka dhan ah dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Mucaaradka dalka Kenya ayaa dibad-baxyo ka dhanka ah dowladda dib u billaabi doona 2-da May, sida ay  wakaaladda wararka AFP ka soo xigatay afhayeenka hoggaamiyaha mucaaradka.

” Waxaan dibad-baxyada dib u billaabi doonnaa 2-da May, Waxay dibad-baxyada ka billaaban doonaan Nairobi” ayuu yiri Dennis Onyango oo ah afhayeenka Raila Odinga.

Dibad-baxyada ayaa la hakiyey ku dhowaad saddex toddobaad kadib markii dowladda Kenya ku baaqday in la bilaabo wada-hadal.

Odinga ayaa hoggaaminayey dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda, isaga oo ku dooday in lagu shubtay doorashadii madaxweynaha ee bishii August.

PUNTLAND POST

The post Mucaaradka Kenya oo mar kale ku baaqay dibad-baxyo ka dhan ah dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this