Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee looga falceliyay ‘tallaabadii cajiibka aheyd’ ee uu xalay qaaday Madaale?

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaale.jpeg?fit=960%2C650&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin aan caadi aheyn ayaa ka dhalatay tallaabo uu xalay qaaday Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Guddoomiye Madaale ayaa xalay hoggaaminayay howl-gal aan hore loogu baran maamulka gobolka, kaasi oo ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, iyada oo gudoomiyaha uu gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi.

Kalaabyadaasi ayaa waxaa xilligaasi ku sugna dhalinyaro badan oo rag iyo dumar leh, iyada oo gudddoomiyaha uu garaacay wiilasga gabdhaha ku jiray kalaabka, kuwaasi oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Guddoomiye Madaale oo Wariyeyaasha kula hadlay goobta ayaa sheegay in arrin aan la aqbali karin ay tahay wax ka socdo xeebta Liido, wuxuuna shaaciyay “in gacmaha ay ula tageen dhalinyaradii ku sugnaa halkaasi,” isaga oo uu tilmaamay in qaarkood ay cabsanayeen, ayna isku dayeen inay la dagaalamaan.

Haddaba, Sidee bulshada uga fal-celiyeen tallaabada uu xalay qaaday gudddomiyaha gobolka Banaadir?

Dadka reer Muqdisho oo ka fal-celiyay muuqaalka laga soo duubay howl-galkaasi oo lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka ku amaanay tallaabadaasi, oo ay ku tilmaameen inay aheyd mid si weyn usoo daahday.

Caasimada Online ayaa idin soo aruurisay aragtiyada ay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Muqdisho ay kaga fal-celiyeen howl-galkii uu xalay sida shaqsiga ah u hoggaaminayay guddoomiye Madaale. Hoos ka aqriso:

Ikraam Cali Maxamed: “Masha Allah howl wanagsan ayuu qabtay gudoomiyaha dhalinyarada naftooda iyo nolashooda hala badbadiyo balayadaas Allaha haka madobeeyo dhamantood nabad iyo barwaaqo allaha ha inooga dhigo caasimadda.”

Cabdulqaadir Axmed ayaa isagna yiri “Aad baan usoo dhaweynaynaa in Munkarka iyo Fasahaadka umadda laga dhex suuliyo. Guddoomiye aad baad u mahadsan tahay horey u soco.”

Burhaan Xaaji Yuusuf: “Munkar qofkii arka in gacanta ku suuliyo waa waajib, guddoomiye Madaale shaqo wacan.”

“Madaale xalay shaqo fiican ayuu qabtay wuu ku mahadsan yahay munkarka uu gacantiisa ku burburiyey,” ayuu yiri Shuuriye Cali.

Guuleed Maxamed Rashiid: “Waa arrin aad u fiican akhlaaqda dhuntay wax wayn ka taraysaa balse Guddoomiye Madaale waxaan kula talin lahaa inay xalay kaliya noqon uu uxilsaaro ciidan gaar ah waqtina loo sameeyo maqaatadaha ku yaalla xeebta Liido.”

“Maxkamad in la soo saaro waaye, Madaale xaq umalahan inuu dadka garaaco waddanka sharci ayaa ka jira,” ayuu yiri Colow oo kamid ah dadka ka falceliyay tallaabada uu xalay qaaday guddoomiye Madaale iyo maamulka gobolka.

Cabdiwaaxid Axmed: “Mudane guddoomiye shaqo wanaagsan ayaad qabatay waxaan tala ku darayaa in lagu daro guddoomiyihii shaqada xalay qabatay fuli waaya in xilka laga tuuro waayo amaanada umadda ma qaadi karo.”

Khadro Maxamed Cali oo ka falcelisay ayaa tiri “Ciyaalka waxaa ka weyn milkiilayaasha waaweyn ee goobahaas leh ayaga ha ka xiro dhalinyarada meel ay aado ma jiri doonto.”

Guuleed Maxamed Rashiid: “Waa arrin aad u fiican akhlaaqda dhuntay wax wayn ka taraysaa balse Guddoomiye Madaale waxaan kula talin lahaa inay xalay kaliya noqon uu uxilsaaro ciidan gaar ah waqtina loo sameeyo maqaatadaha ku yaalla xeebta Liido.”

“Mahadsanid Guddoomiye waa arrin bogaadin mudan walow laga fiicnaa in muuqaalkaas la duubo,” ayuu yiri Cabdirisaaq Maxamed Muuse oo kamid ah dadka ka falceliyay tallaabada uu xalay qaaday guddoomiye Madaale.

Suldaan Sheekh: “Shaqo fiican ayay qabteen oo u baahan in lagu taageero sababto ah meesha waxaa ka socday wax xun.”

The post Sidee looga falceliyay ‘tallaabadii cajiibka aheyd’ ee uu xalay qaaday Madaale? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this