Sign in to follow this  
Liibaan

Secretary-General wishes Somali people successful national reconciliation congress

Recommended Posts

Liibaan   

Source: UN News Centre

 

United Nations Secretary-General

 

Date: 13 Jul 2007

 

Secretary-General wishes Somali people successful national reconciliation congress

 

 

The following statement was issued today by the Spokesperson for UN Secretary-General Ban Ki-moon:

 

The Secretary-General wishes the people of Somalia a successful beginning to the National Reconciliation Congress scheduled to start this weekend in Mogadishu. He commends the determination of the National Governance and Reconciliation Committee and the Somali delegates to proceed with this important event in the face of many obstacles. He urges continued efforts to ensure the broadest possible participation in the process.

 

The Secretary-General condemns the violent incidents and threats in recent days aimed at disrupting the Congress. He calls on opposition groups inside and outside Somalia to renounce violence and join the Congress process in order to give reconciliation a chance to succeed and to work together in addressing the peace, security and development challenges facing the country.

 

The Secretary-General stresses that the National Reconciliation Congress is the beginning of the process of rebuilding consensus in Somali society. He expresses the commitment of the United Nations to continue supporting all-inclusive efforts at national reconciliation and greater international assistance to help bring peace and stability to Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

New York: UN-ka oo ka hadlay arimaha Shirka Axada Muqdisho ka dhacaya.

 

14. juli 2007

 

New York(AllPuntland)- Qaramada Midowbay ayaa waxa ay cod dheer ku taageertay qabsoomida wada hadalada loo dhan yahay ee Maalinta bari ah ka furmaya caasumada Soomaaliya.

 

Xoghayaha Guud ee UN-ka oo war soo saaray ayaa sheegay in ay dawlada Soomaaliya guul utahay qabashada shirkaasi ,ayadoo ay Magaalada ka jiraan wali qaraxyo kala duwan oo ay geysanayaan kooxaha ka soo horjeeda siyaasada dawlada Soomaaliya.

 

Ban Ki Moon ayaa sheegay in looga baahan yahay Madaxda daadihineysa shirkaasi in ay ka fogaadaan waxyaabaha shirka hoos udhigikara ,isla markaana ay ka wada hadlaan sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa dhibaatada mudada uu ku jiray.

 

Dawlada Soomaaliya ayaa waxa ay horay usheegtay in shirka ay ku heshiinayaan beelaha Soomaaliyeed,wuxuuna Xoghayuhu soo dhaweeyey warkaasi isagoo ku tilmaamay in uu yahay mid lugu soo dhameyn karo colaadii Soomaaliya.

 

Hadalkii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha dawlada Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ee ku aadana qabsoomida shirka dibu heshiisiinta Qaran beelaha Soomaaliyeed ayaa wuxuu soo dhaweyn kala kulmay masuulka ugu sareeya Qaramada Midowbay dhinaca caalamka Ban Ki-Moon oo sheegay in ay taasi beesha caalamka tusayso in ay dawlada Soomaaliya ka go'an tahay qabsoomida shirkaasi.

 

Horay Qaramada Midowbay ayaa waxa ay dawlada Faderaalka ee Soomaaliya ugu boorisay in ay qabato shirkaasi oo waqtigiisa ay naga xigto in ka badan 24 saacadood.

 

Warka Qaramada Midowbay ka soo baxay ayaa wuxuu ku soo beegmay ayadoo ergada intii badneyn ay shalay gaareen caasumada Soomaaliya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

The only truth they reported for days..but here it is.

 

Ban-ki moon oo soo dhaweeyay shirka dib u heshiisiinta beelaha Somalia

 

Mogadishu 14, July 07 ( Sh.M.Network)- Xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki-moon oo soo saaray hadal qoraal ah ayuu ku sheegay inuu soo dhoweenayo qabsoomida shirka nabada Soomaalida ee furmaya beri sida la qorsheeyey.

 

xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki-moon waxa uu quudareenayaa in kulanka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida uu si guul leh ku bilowdo, kaasoo la qorsheenayo inuu furmo maalinta Axada oo beri ah.

 

Waxa uu ku booriyey in la sii wado dadaalada lagu xaqiijinayo inuu qabsoomo shirka dib u heshiinta ee la doonayo in lagu xaliyo khilaafaadka jira, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray xoghayaha guud ee Q.M oo uu siidaayey afhayeenkiisa.

 

Mr. Ban waxa uu sidoo kale cambaareeyey rabshadaha ka taagan Muqdishu iyo hanjabaada lagu hayo kulanka nabada, isagoo ugu baaqay kooxaha mucaaradka ee gudaha iyo dibada inay cambaareeyaan rabshadaha oo ay ka qeyb qaataan shirka six xal loo gaaro.

 

Waxa uu xusay in shirka uu bilow u yahay hanaan la isku fahmayo oo wax dhisaya, waxa uuna balan qaaday in taageerada Q.M ay ku bixinayso kulanka loo dhan yahay ay sii soconayso iyo kaalmo caalami ah oo gacan ka geysanaysa in dalka looga dhaliyo nabad iyo xasilooni.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us:

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ban Ki Moon ayaa waxa uu cod dheer ku taageeray qabsoomida shirweynaha Beelaha Somaliyeed ee Bari Ka furmi doona Muqdisho.

 

Xoghayaha Guud ee UN-ka oo war soo saaray ayaa sheegay in ay dawlada Soomaaliya guul utahay qabashada shirkaasi ,wuxuu kaloo sheegey in ay fursad u tahay qof waliba oo Somali ahi oo wax tabanaya dibad iyo gudaha ha joogaanee in uu si nabad ahi uga qeyb galo shirka xal u helida nabada somaliya.

 

Xoghayaha Guud ee UN-ka oo war soo saaray ayaa sheegay in ay dawlada Soomaaliya guul utahay qabashada shirkaasi ,wuxuu kaloo sheegey in ay fursad u tahay qof waliba oo Somali ahi oo wax tabanaya dibad iyo gudaha ha joogaanee in uu si nabad ahi uga qeyb galo shirka xal u helida nabada somaliya.

 

Ban Ki Moon ayaa sheegay in looga baahan yahay Madaxda shirkaasi in ay ka fogaadaan waxyaabaha shirka hoos udhigikara ,isla markaana ay ka wada hadlaan sidii dalka Soomaaliya looga saari lahaa dhibaatada mudada qaangaartey.

 

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay QM sii wadi doonto taageeradda dhamaan macluumaadka looga baahan yahay Shirweynahaasi iyo sidii Taageeradda Caalamka gacan uga geysan lahayd Soo-celinta Nabadda iyo deganaanshaha dalka Somalia.

 

Xafiiska Warqabadka ee Shabakada Carmooyin.com Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ban Kii Moon, oo ugu baaqay Kooxaha mucaaradka ee ku sugan gudaha iyo dibedda Somalia inay joojiyaan colaadaha, kana soo qeyb galaan dadaalka loogu jiro Dib-u-heshiisiinta Somalia.

 

Mogadishu, Sabti, July 14, 2007 (SMC)

 

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon, ayaa ugu baaqay Kooxaha rabshadaha wada ee ku sugan gudah iyo dibedda dalka Somalia inay ka waantoobaan rabshahadaha, kana soo qeybgalaan dadaalka Dib-u-heshiisiinta Somalia, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey Natiijadda Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta beelaha Somalia ee berrito ka furamayo Magaalladda Muqdishu.

 

Hadal-qoraal ah oo laga soo saaray Xafiiska Xoghayaha Guud ee QM, Ban Kii-Moon, ayaa lagu sheegay inuu Xoghayaha Guud ee QM aad ugu rajeynayo Ummadda Soomaaliyeedinuu bilow guul xambaarsan noqdo Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta ee qorsheysan inuu Isbuucan ka bilowdo gudaha magaalladda Muqdishu.

Xoghayaha Guud ee QM,waxa uu ku baaqay in dadaalladda socda inay xaqiijiyaan in looga soo qeyb galo sida ugu ballaaran ee ugu suurto-galsan xubnaha Shirka ka qeybgalayo, waxaana War-saxaafadeedka lagu sheegay inuu Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Beelaha Somalia yahay bilowga qorshaha dib-u-dhiska Heshiisyadda bulshadda Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon, waxa uu ku nuuxnuuxsadaya inay QM sii wadi doonto taageeradda dhamaan Inkaaniyaadka looga baahan yahay Shirweynahaasi iyo sidii Taageeradda Caalamka gacan uga geysan lahayd Soo-celinta Nabadda iyo deganaanshaha dalka Somalia.

 

Xoghayaha Guud ee QM, waxa uu War-saxaafadeedkiisa ku cambaareeyey falalka qalalaasaha iyo cabsi-gelinta maalmahan jirta, ee loogu dan leeyahay in lagu carqalladeeyo habsami-u-socodka Shirweynaha, waa sida uu hadalka u yiri, wuxuuna ugu baaqay dhammaan Kooxaha mucaaradka ee ku sugan gudaha iyo dibedda Somalia inay iska joojiyaan colaadaha, kana soo qeyb galaan dadaalka loogu jiro Dib-u-heshiisiinta Somalia.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this