Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo samaynaysa isbaheysi mucaarad ah oo ka dhana Siciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Villa Somalia ayaa bilowday abaabulidda siyaasiyiinta reer Puntland ee sida weyn u mucaaradsan madaxweyne Siciid Deni.

Villa Somalia ayaa sida la xaqiijinayo raadinaysa in hal isbaheysi oo xooggan lagu mideeyo dhammaan siyaasiyiinta Puntland ee mucaaradsan Siciid Deni.

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxtooyada Soomaaliya dhaqaale gaar ah u diyaarisay hirgelinta qorshahan si ay culays siyaasadeed u saarto Puntland.

Tallaabadan ayaa ka danbaysay kadib markii xukuumadda Deni ay xiriirka u jartay Villa Somalia sababa la xiriira khilaaf siyaasadeed.

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia oo samaynaysa isbaheysi mucaarad ah oo ka dhana Siciid Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this