Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaanka SSC-Khaatumo oo kormeeray Taliska Booliska Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1682255197799.jpg?resize=720%2C48

Golaha Isimada Dhaqanka ee Gobollada SSC-Khaatumo oo ay wehelinayeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Duqa Degmada Laascaanood, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Taliska Booliska Qaybta Guud ee Gobolka Sool, iyaga oo halkaas kulan kula qaatay Saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska ee SSC-Khaatumo.

Golaha Isimada Dhaqanka oo Saraakiisha Ciidanka Booliska ka dhegaystay warbixinno ku saabsan xaaladda amni ee magaalada iyo shaqooyinka muhiimka ah ee Ciidanka Boolisku ay u hayaan shacabkooda, ayaa sidoo kale faray dhammaan Ciidanka Booliska inay sii labo jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta amniga guud ee magaalada, gacan bir ahna ku qabtaan dhammaan falalka liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida oo uu ugu horreeyo maandooriyaha Khamrigu.

Sidoo kale, Golaha Isimada Dhaqanka ayaa kormeeray Xabsiga Dhexe ee Degmada Laascaanood, iyaga oo u kuur galay duruufaha uu ku shaqeeyo xabsigu, waxaana Golaha Isimada Dhaqanku ay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay hawl-gelinta dhammaan xarumaha adeegyada dadweynaha ee Degmada Laascaanood.

Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo oo bishii la soo dhaafay lagu aasaasay magaalada Laascaanood ayaa muddooyinkan waday hawl-gallo ay kaga hortagayaan falalka liddiga ku ah amniga iyo xasilloonida deegaanka, isla markaana ku xaqiijinayaan ilaalinta badqabka nafta, sharafka iyo maalka shacabka ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo.

FB_IMG_1682255169715.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1682255177476.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1682255163660.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1682255154369.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1682255159520.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1682255197799-1.jpg?resize=720%2C

PUNTLAND POST

The post Hoggaanka SSC-Khaatumo oo kormeeray Taliska Booliska Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this