Sign in to follow this  
Deeq A.

Waare: Al-shabaab waxay malaayiin lacag ah ku bixinaysaa sidii bedeli lahaa guddoomiye Jeyte

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20230422_165156944.jpg?resi

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka ahaana madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in Al-shabaab malaayiin lacag ah ku bixinayso sidii bedeli lahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Waare ayaa sheegay in bedelka Jeyte ay tahay mid u hiilinaysa Al-shabaab, isagoo ka codsaday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen in uusan tallaabadaas qaadin.

We have reliable information that Al Shabaab is spending millions to have Governor Ali Jeyte replaced. Replacing Governor Jeyte at this time is giving aid and comfort to Shabaab. President @GudlaweHussein leave Governor Jeyte alone! pic.twitter.com/b0FzJjZm6I

— Mohamed Abdi Ware (@HShPrez2Ware) April 22, 2023

“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jeyte loo bedeli lahaa. Bedelka Guddoomiye Jeyte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Gudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte!” ayuu Waare gacankiisa Twitter ku qoray.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa lagu xasuustaa dagaaladii uu hormuudka u ahaa ee gobolka Hiiraan lagula galay ururka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Waare: Al-shabaab waxay malaayiin lacag ah ku bixinaysaa sidii bedeli lahaa guddoomiye Jeyte appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this