Sign in to follow this  
Deeq A.

Sirdoonka Soomaaliya oo hawlgal qorshaysan ku dilay xubno iyo horjoogayaal tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay in ay hawlgal qorshaysan ku dishay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in Hawlgalkaas oo laga fuliyay inta u dhexaysa degaannada Ugunji iyo Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

” Howlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa deegaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ayaa sidoo kale sheegtay in maleeshiyaadka Hawlgalkaas lagu dilay ay ku jireen horjogayaal islamarkaana lagu dhaawacay qaar kale halka qaarna goobta ka baxsadeen.

FB_IMG_1682100521184.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Sirdoonka Soomaaliya oo hawlgal qorshaysan ku dilay xubno iyo horjoogayaal tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this