Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Xasilinta Suuqa Shidaalka Dunida

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa kala hadlay heshiiska OPEC+ ee lagu xaddidayo soo saarista shidaalka dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, isagoo taleefoon kula xiriiray Jimcihii, sida uu xaqiijiyay Ruushku.

Labada hoggaamiye ayaa waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin heerka iskaashiga labada dal, si xasillooni loogu soo dabbaalo suuqa shidaalka adduunka.

Putin iyo Amiirka dhaxalsugaha ah, oo loo yaqaan MbS, ayaa sidoo kale sameeyay xiriir ganacsi oo dhow.

“Wadahadalku wuxuu u socday hab saaxiibtinimo leh, wuxuu ahaa mid wax dhisaya oo warbixin lagu kala qaatay. Waxaa la isku raacay in la dhiso xiriirro meelo gaar ah oo iskaashi ah,” ayuu Ruushku sheegay.

“Wadahadalku wuxuu u socday hab saaxiibtinimo leh, wuxuu ahaa mid wax dhisaya oo warbixin lagu kala qaatay. Waxaa la isku raacay in la dhiso xiriirro meelo gaar ah oo iskaashi ah,” ayuu Ruushku sheegay.

Ururka Waddamada Dhoofinta Shidaalka (OPEC) iyo Sacuudi Carabiya, oo ah soo saaraha ugu weyn ee batroolka adduunka, ayaa aas-aasay sannadkii 2016, isbahaysi loo yaqaan OPEC + oo ay ku jiraan soosaarayaal kale oo waaweyn oo uu hoggaamiyo Ruushka, si ay si dhow ula falgalaan suuqa shidaalka.

PUNTLAND POST

The post Ruushka iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Xasilinta Suuqa Shidaalka Dunida appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this