Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka SUDAN iyo garabka Xamdaan oo ku dhawaaqay…

Recommended Posts

Deeq A.   
Sudan-scaled.jpg?fit=2560%2C1707&ssl=1

Khartoum (Caasimada Online) – Ciidamada RSF ee Sudan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Xamdaan ayaa sheegay inay oggolaadeen xabbad-joojin 72 saacadood ah, taasi oo la xiriirta howlaha bini’aadinimo ciidda Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.

“Xabbad-joojintu waxay ku soo beegantay Ciidda barakaysan ee Ciidul-Fidriga. In la furo waddooyin si loo daad-gureeyo muwaadiniinta, lana siiyo fursad ay ku salaamaan qoysaskooda,” ayay RSF ku tiri hadal ay soo saartay.

Magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa waxaa gelinkii hore ee Jimcihii maanta ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan.

Kuma uusan xusin xabbad-joojin hadal horay loo duubay oo lasoo dhigay barta Facebook-ga ee ciidanka.

Dagaalka u dhexeeya RSF iyo ciidamada Sudan ayaa qarxay Sabtidii, taasi oo meesha ka saartay qorshihii caalamku taageeray ee loogu guuri lahaa dimuqraadiyad rayid ah afar sano kadib markii xukunka laga tuuray Cumar Al-Bashiir oo ahaa mudaaharaadyo waaweyn iyo laba sano ka dib afgambi militari.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shalay codsaday xabbad-joojin si loogu ogolaado dadka rayidka ah inay gaaraan goobaha amniga ah.

Dagaalka Sudan oo ah loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeyay laba hoggaamiye oo hore isbahaysi u ahaa xukuumaddii militariga ee talada dalka haysay ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 350 qof.

Labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi ayaa waxaa kala hoggaaminaya taliyihii ciidanka Burhaan iyo hoggaamiyaha RSF Jeneraal Maxamed Xamdaan Dagalo, oo iyagu isku haya awoodda u sareysa dalkaasi.

The post Wararkii ugu dambeeyay dagaalka SUDAN iyo garabka Xamdaan oo ku dhawaaqay… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this