Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada RSF ee dalka Suudaan oo ku dhawaaqay xabbad-joojin 72 saacadood ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada RSF ee Sudan ayaa sheegay inay oggolaadeen xabbad-joojin 72 saacadood ah, taas oo la xiriirta howlaha bini’aadinimo ciidda Muslimiinta ee Ciidul Fidriga.

Magaalada caasimadda ah ee Khartoum, waxaa gelinkii hore ee Jimcihii ka dhacay qaraxyo iyo duqeymo. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay ciidanka iyo taliyaha guud ee ciidanka, General Abdel Fattah al-Burhan.

“Xabbad-joojintu waxay ku soo beegantay Ciidda barakaysan ee Ciidul Fidriga… in la furo waddooyin si loo daadgureeyo muwaadiniinta, lana siiyo fursad ay ku salaamaan qoysaskooda,” ayay RSF ku tiri hadal ay soo saartay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa khamiistii codsaday xabbad-joojin si loogu ogolaado dadka rayidka ah inay gaaraan goobaha amniga ah.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada RSF ee dalka Suudaan oo ku dhawaaqay xabbad-joojin 72 saacadood ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this