Sign in to follow this  
General Duke

Goldogob gets local government....7th in Puntland..pics

Recommended Posts

Guddoomiyihii Degmada Goldogob oo la doortay

Last Updated::2006-06-28 14:05:08

 

Goldogob:- Waxaa maanta dhacday doorashadii Golaha Deegaanka ee degmada Golgodob ee gobalka Mudug.

 

Doorashadan ayaa lagu soo doortay Guddoomiyaha ahna Duqa degmada iyo kuxigeenkiisa.

 

Golaha Deegaanka degmada Goldogob oo ka kooban 21 xubnood ayaa waxaa maanta kasoo xaadiray 16 xildhibaan.

 

Doorashadan ayaa u dhacday si wanaagsan ayadoo uu musharax C/laahi Yuusuf Xaaji helay 13 cod, asagoo markaasi ku guuleystay doorashada si rasmi ahna ulla wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha Degmada Goldogob iyo Duqa magaalada Goldogob.

 

Waxaa asaguna la doortay Guddoomiye kuxigeenka oo loo magacaabay Jaaf Maxamuud Guray.

 

Doorashadii maanta ayey goobjoog ka ahaayeen cuqaasha iyo issimada degmada ayadoo Degmada Goldogob ay noqotay degmadii 7aad ee loo dhiso Golaha Deegaanka ee gobalada Puntland.

 

Maamulka Puntland ayaa horey u dhisay golayaasha degmooyinka, Garowe, Bosaso, Qardho, Burtinle, Bayla iyo Gaalkacyo.

 

Dhismayaasha golaha deegaanka ayaa weli ka socda gobalada hoos yimaada Dowlad Gobaleedka Puntland.

 

Dhismaha Golayaasha degmooyinka Puntland ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowlada Puntland ee xiligan isla markaana ah mid lagu xoojinayo maamulada degmooyinka in ay ka yimaadaan hab doorashooyin ah.

 

Cabdifutaax Shirwac

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagmada Galdogob oo loo doortay Gudoomiye iyo kuxigeen maantay

Posted to the MOL June 28, 2006, 9:43 am

 

 

Goldogob:-Waxaa maanta degmada Goldogob ee gobolka Mudug ka dhacday doorashada gudoomiyaha golaha degaanka isla markaana noqonaya duqa degmada Goldogob iyo ku xigeenkiisa.

 

Codadka doorashada waxaa dhiibanayay xubnaha golaha degaanka oo maanta xaadir ahaa ilaa iyo 16 xildhibaan, waxaana gudoomiye loo doortay C/laahi Yuusuf Xaaji kasoo helay 13 cod halka 3 kale ay codkooda ka wareejiyeen.

Waxaa sidoo kale isla maanta la doortay gudoomiye ku xigeenka golaha degaanka ee degmada Galdogob, kaasoo loo doortay Jaaf Maxamuud Guray.

 

Waxaa goob joog ka ahaa goobta ay doorashadu ka dhacaysay Issimada deegaanka Goldogob oo uu ka mid yahay Caaqil Cabdiwahaab. Waxayna hawshaasi ku soo gabagabowday sidii loogu talagalay.

 

Degmada Goldogob waxay noqonaysaa degmadii labaad ee gobolka Mudug ka tirsan oo yeelata gole degaan iyo gudoomiyeyaashooda. Horey waxaa gole degaan loogu sameeyay magaalada Gaalkacayo. waxaan wili harsan dagmada jariiban oo ayana hada qabanqaabadeedii lagu jiro

 

 

Maxamed C/qaadir Khalaf

Galkacyo,Puntland,Somaliya

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this