Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday in Barri ay Tahay Maalin Ciid ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Dowladda Federalka  Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maalinta Berri ah ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Shawaal ee ciidul Fidriga, kadib markii aragtida bisha la xaqiijiyay, iyadoo dowladaha caalamul islaami sidoo kale looga dhawaaqay in bari ay tahay Ciid.
Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ku suganaa  ayaa sheegay in kadib baadigoob dheer Dhalashada Bisha Soonfur laga arkay magaalooyin kala duwan oo kamid ah dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sidaas darteedna ay tahay maalinn ciid ah..
Magaalooyinka laga arkay waxaa kanid ah Jowhar ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, Cadaado Gobalka Galgaduud, Ceelwaaq oo gobolka Gedo iyo deegaano kale oo kamid ah Soomaaliya, bishaan Ramadaan ayaa ku idlaatay 29 cisho oo lasoo Soomay bisha Ramadaan.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this