Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda Amnesty International oo soo saartay natiijada baaritaan ay ku samaysay dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1681996326199.jpg?resize=720%2C42

Hay’adda xuquuqda Insaanka ee Amnesty International ayaa maanta soo saartay natiijada baaritaan ay ku samaysay xasuuqa ka baxsan banii’aadanimada ee ciidamada Somaliland ka geysteen Laascaanood.

Hay’adda Amnesty International oo baaritaan gaar ah ku samaysay dagaalka Laascaanood ayaa caddaysay in ciidamada Somaliland si ba’an oo aan kala sooc lahayn u beegsadeen dadka rayidka ah oo ay ku jiraan carruurta iyo haweenka.

Baaritaanka hay’adda ayaa lagu ogaaday in ciidamada Somaliland ay shacabka Laascaanood u adeegsadeen hub mamnuuc ka ah in loo isticmaalo goobaha rayidka islamarkaana si aan kala sooc lahayn ugu duqeeyeen xarumo ay kamid yihiin isbitaallo iyo maasaajid.

Ciidamada Somaliland ayaa Laascaanood ku dilay in ka badan 100 qof oo rayid ah waxaana ay ku dhaawaceen ilaa 600 oo ruux halka ay bara-kiciyeen 154,000-203,000 kun oo dayid ah sida ay xaqiijisay hay’adda Amnesty International.

Hay’adda ayaa Amnesty ayaa dalbatay in baaritaan deg deg ah oo madax-bannaan lagu sameeyo dhammaan xad-gudubyada ka baxsan banii’aadanimada ee ka dhacay Laascaanood si loola xisaabtamo kuwa mas’uulka ka ah gabood-falkaas.

Halkan ka akhriso warbixinta Amnesty

PUNTLAND POST

The post Hay’adda Amnesty International oo soo saartay natiijada baaritaan ay ku samaysay dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this