Sign in to follow this  
General Duke

More AU troops scheduled to arrive in Somalia...

Recommended Posts

Burundi oo sheegay in ciidamadeedu dhowaan tegi doonaan dalka Soomaaliya

993.jpg

 

(Bujunbura)-Dawladda Burundi ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday inay sida ugu dhaqsaha badan ciidamadeeda u gaynayso dalka Soomaaliya, ka dib markii arintaasi ay kawada hadleen dawladda Uganda.

 

Dawlada Burundi waxay sheegtay in todobaadyo yar gudohood ay dalka Soomaaliya ku gaynayso ciidamadii hadda ka hor ka dhawaajisay inay u diraysao dalka Soomaaliya kuwaas oo gaarayey 1,700 oo askari.

 

Haweenay wasiiru dawlaha difaaca ka ah dalka Uganda Ruth Nankabirwa ayaa laga soo xigtay in dawladda Bujunbura ay siisay sabab lagu rumaysan karo in ciidamo ay dalka Soomaaliya keenayaan bishan dabayaaqadeeda.

 

Ruth Nankabirwa waxay intaasi ku dartay in ciidamada Uganda ee inaya bishan dabayaaqadeeda Soomaaliya ay haysato dhibaato ah oo xagga gaadiidka ah.

 

Dhinaca kale Afhayeenka hal galada Ciidamada Uganda eek u sugan dalka Soomaaliya Pady Ankunda Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay daggan tahay noloshii iyo xasiloonidiina ay kusoo laabanayso.

 

Ciidamada Uganda oo noqday ciidankii ugu horeeyay ee Afrikacan ah oo yimaada dalka Soomaaliya ayaysan jirin cid wali kusoo biirta marka laga reebo ballan qaadyo laga hayo dawlado dhawr ah oo iyagu weli imaan dalka Soomaaliya.

 

Waxaa ciidamo ku yaboohay dalalka Ghana, Nigeria,Burundi, Malwai iyo Ugadan, waxaana ilaa iminka Ciidamadooda geeyey dalka Soomaaliya dalka Uganda.

 

 

 

Xarunta wararka Waayaha.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

1,700 oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Burundi oo dhowaan dalka imanaya

 

Ciidamada nabad ilaalinta gaar ahaan kuwa ay diyaarisay xukuumadda Burundi ayaa la filayaa in ay toddobaadyo gudahood ku soo gaaraan Soomaaliya, sida ay shaaciyeen saraakiisha waddankaasi.

 

Warka ku saabsan ciidamada ka imanaya dalka Burundi ayaa soo baxay kadib markii ay xukuumadaha Kampala iyo Bujunbura ay arrintaasi ka wada hadleen.

 

Xukuumadda Bujumbura ayaa diyaarisay ciidamo gaaraya 1700 oo askari oo qeyb ka qaadanaya howlaha nabad ilaalinta Somalia, kuwaasi oo ay sheegtay in ugu dambeyntii ay imaanayaan dabayaaqada bishan April.

 

Dalka Burundi ayaa goor sii horreysey shaaca ka qaaday in ciidamadii ay ugu tala taleen nabad ilaalinta Soomaaliya ay diyaar yihiin, khubrad fara badanna u leeyihiin waddamada Soomaaliya oo kale ah.

 

Keyse Caamir

Share this post


Link to post
Share on other sites

toddobaad gudihii

Posted to the Web Apr 07, 09:01

 

Bujumbura (PP) - Dowladda Burundi ayaa waxay sheegtay inay doonayso inay ciidammadii ay ugu talogashy inay keento gudaha Soomaaliya ay soo gaarsiiso maalmaha soo socda.

 

Sarkaal u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Burunid ayaa u sheegay qaar ka mid ah saxaafadda caalamka inay ciidammadooda mar hore u dhameystirmeen qalabkii ay ku howlgali lahaayeen, balse ay haysatay dhibaato xagga gaadiidka ah oo uu sheegay inaysan haysan gaadiidkii lagu daabuli lahaa.

 

"Waxaan qorsheynaynaa in toddobaadkan iyo kan xiga aan geyno gudaha Soomaaliya 1700-Askari oo aan ballanqaadnay inaan geyno gudaha dalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan howlaha nabad ilaalineed ee Midowga Afrika ay ka wadaan gudaha Soomaaliya" ayuu yiri sarkaal u hadlay Gaashaandhigga Burundi oo lagu magacaabo Mgnawama.

 

Wuxuu dhanka kale sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay kala qaybqaadato nabad ilaaliyeyaasha Afrika howlaha nabadeed ee lagu wado in lagu soo dabbaalo dalka ay burburiyeen dagaallada sokeeye muddo 16-sano ka badan.

 

Rose Nkrabirwa oo u hadashay wasaaradda Gaashaandhigga ee Uganda ayaa waxay dhankeeda sheegtay inay xaqiijiyeen in Burundi ay ciidammo nabad ilaalin ah oo gaaraya 1700-askari ay geynayaan Soomaaliya muddo toddobaad aan ka badnayn, si ay qayb uga noqdaan ciidammada Uganda ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

 

Dowladaha Ghana, Malawi iyo Nigeria ayaa waxay sidoo kale horay u ballanqaadeen inay ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda Afrika ay geynaynayaan Soomaaliya, iyadoo ciidammada AMISOM ee la geynayo Soomaaliya ay gaarayaan 8-kun oo Askari oo nabad ilaalliyeyaal ah.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this