Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumanaan qof oo ka qaxay dagaalka caasinadda Sudan ee Khartoum

Recommended Posts

Deeq A.   

Kumannaan qof ayaa ka qaxay caasimadda Sudan ee Khartoum, kaddib marki uu dagaalka u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysani uu galay maalintiisii lixaad.

Qaxa ayaa yimid, kaddib marki Talaadadi uu fashilmay iskuday heshiis xabbad-joojin ah oo ay labada dhinac isku afgarteen, kaddib afar maalin oo dagaal culus uu ka socday Khartoum iyo magaalooyinka mataanaha la ah.

Dad ku nool xaafado kala duwan oo ka tirsan Khartoum iyo Omduman ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in ay arkeen, rag, dumar iyo carruur wata boorsooyin waaweyn oo ka baxaya magaalada.

Dadka qaar ayaa maalayay cagahooda, halka kuwo kale ay wateen gaadiid. Dadkaan ayaa u qaxay magaalooyin kale ee dalka ee ka nabaddoon colaadda.

PUNTLAND POST

The post Kumanaan qof oo ka qaxay dagaalka caasinadda Sudan ee Khartoum appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this