Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga Adduunka oo Ka Wadahadlay Hormarinta Caasimadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka dowladda hoose ee Xamar kulan kula qaatay wafdi ay hogaamineesay u-qeybsanaha Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka ee Bangiga Aduunka Mrs Makiko Watanabe.

Kulankaan ayaa loogu hadlay Qorshaha horumarinta Caasimada, dhismooyinka Wadooyinka, Biyo qabadyada iyo Bulaacadaha iyo sidii loogu wada shaqeyn lahaa horumarinta deegaanada aan rasmiga aheyn, si xal waara loogu helo Barakacayaasha ah ee ku sugan caasimadda iyo dukeedkeeda intaba.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Barakacayaal deegaansanaya guryo ka sameysan Baakado iyo Baco, dadkaan ayaa inta badan isaga soo barakacay gobollada dalka, kadib markii Abaartu marisay xoolahoodii, waxaana jira kuwa kale oo hore u deganaa gudaha iyo bannaanka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this