Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aankii SSC-Khaatumo ku joojisay ganacsiga Somaliland oo dhaqan-galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Isu socodka gaadiidka laamiga dheer ee degaannada Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa gebi ahaanba xirmay.

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa dhawaan xayiraad ku soo rogay dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka labada dhinac.

Wararka ayaa xaqiijinaya in uu si rasmi ah u dhaqan-galay go’aankii SSC islamarkaana uu xirmay isu socodka laamiga dheer.

Sidoo kale gaadiid xamuul ah oo go’aankaas kadib isku dayay in ay laamiga maraan ayaa lagu xannibay kantaroollada Tukaraq iyo Gambadhe.

PUNTLAND POST

The post Go’aankii SSC-Khaatumo ku joojisay ganacsiga Somaliland oo dhaqan-galay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this