Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Tunisia oo xabsiga dhigay siyaasi caan ah oo hoggaamiya xisbi mucaarad ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska Tunisia ayaa xabsiga dhigay hoggaamiyaha xisbiga Ennahda Rached Ghannouchi, oo ah ninka ugu caansan ee mucaaradka madaxweyne Kais Saied, waxaana xisbigiisu sheegay in tallaabadaasi ay muujinayso inuu sii kordhayo xarigga lala beegsaday dad badan oo si weyn uga soo horjeeday Saied.

Saacado kadib markii la xiray Ghannouchi, ayaa booliisku waxay weerareen xarunta xisbiga Ennahda , waxayna ka daadgureeyeen dhammaan dadkii joogay, si ay u billaabaan baaritaan qaadan doona maalmo, kadib markii ay soo bandhigeen amar maxkamadeed, sida ay saraakiisha xisbigani u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

Booliska ayaa weeraray guriga Ghannouchi fiidnimadii isniinta,iyaga oo baaray kahor inta aysan geynin waxa uu xisbiga Ennahda ugu yeeray meel aan la aqoon.

“Waa isku day lagu doonayo in lagu weeraro Ennahda iyo xisbiyada mucaaradka, waxaan ka cabsi qabnaa inay horudhac u noqoto in xisbiga la xayiro,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, Riadh Chaibi, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbigan.

Booliska ayaa sanadkan xiray siyaasiyiin waaweyn oo ku eedeeyay Saied inuu afgambi ku sameeyay tallaabadii uu baarlamaanka la soo doortay ku kala diray 2021-kii, taas oo sababtay inuu wareegto ku xukumo dalka inta laga qorayo dastuur cusub.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Tunisia oo xabsiga dhigay siyaasi caan ah oo hoggaamiya xisbi mucaarad ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this