Deeq A. Posted April 18, 2023 Gabay Mahad iyo Salaad qudha muxuu kaaga heli waayey? Gabay: (Miisaanka Nolosha) Gabaygan waxa sameeyey anigoo ah Maxamuud Cabdilahi Rooble… Salaadii Subax ayaa taagnayd Masaajidka hortiisa ayaan kula kulmay Nin aan is waji garanayney.Salaan ka dib ayaan ku idhi Salaadii ayaa la galayaa… isagoo mashquul ah ayuu igu yidhi ” Meel ayaan ku cararayee gaadhiga ayaan ku dhex tukan doonaa”!! “Haye Salaama Calaykum” ayaan idhi. Inyar markaan kala tagnay ayaan eegay geed weyn oo Masaajidka ku horyaalay oo raxan shimniro ahi ka dul heesayaan Eebahooodna u mahad celinayaan. Waxaan is weydiiyey sababta shimbiruhu u heesayaan -waxaanan ogaaday inay ku faraxsan yihiin waaga soo gudoodan iyo maalinta cusub ee Ilaahay ku siyaadiyey noloshooda. Markaan Salaadii ka baxay ayaan dib ugu soo noqday geedkii shimbiruhu ka dul mashxaradayeen. Wali sidii ayey u heesayaan markaa waxaan is garab dhigay ninkii ordayey ee mashquulka noloshiisu ahayd ee xataa salaadii haleeli waayey iyo shimbiraha ilaa wakhtigii aan quud raadsan ee Ilaahooda u mashxaradaya una mahad celinaya … Wuxuu yidhi: Inkastuu rag wada miigani, miimka ka hingaadsho Hadaanu gabaygu miisaan lahayn, malaha iidaane Is maqiiq midhkii kula galay, maqalku diidaane Madmadow markay dhaafto ee,marinku soo gaabto Munkar iyo hadii laga baqo, meehaliyo dheesha Muran iyo is-moodsiina aan,lagu mashquulaynin Milgaheeda suugaan galbeed, baw macaan badane Hadala waa murti amase waa,Midaan haboonayne Mansabkiisu waa mudan yahayoo meel saraan dhigaye Markuu mayeyga dayreed curtuu, ciida wada maydho Manka soo carfaayiyo miskiga,moodka wada yaala Xareed Miisan meeshaad daydoo, moos kasoo jabayo Hadii Geed madheedhkii ka baxay, midigtu laacayso Nin walbaa macaankiisa saw muudso odhan maayo ? Ceelkaan malkada loogu dhicin, maaxan waa abide Maslaxaad ayaan uga socdaa ,waa macduun kaniye Aniguna hamsada maalintaan ,gabay la maagaayo Miyi iyo magaalaba dadkii, waw mulaaxsamaye Mufti iyo sidii culimo saw, loo martiyi maayo? Muxubana halkaad gaadho waad, mahadin doontaaye Bal miliilic oo dhuux murtida, doqoni waa mooge Mohashada aduun ee dadkii, meelkastaba geysay Iyo mawd sugaayaa ilayn, waaba kala maane Macno maleh aduunyadu naftaa, lagu mashquulaaye Mujuq iyo adoo qaawanoo, mudh iyo diirkaasa Mawlaha kusoo magan gashee, magacna kuu yeelay Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey? Miisaanka noloshaa jirtuu, kuu maldahayaaye Inta muruq jidhkaagiyo lafaha, midiba meel hayso Moxigiyo mijaha hoose iyo,muuqa idilkiisa Mixnad weeye maankiyo caqliga, kaa maroorsame e Adoon madax adaygayn hadaad, magan allee dhawrto Mar’uun saw qalbigu Eebahaa,uma muraaqoodo ? Miridhkii aad joogtaba xubnaha, haga masayrkaaga Moqorada intey nool yihiin, sida matoor xiima Maashaa Allee xididadaa, dhiigu mulacyeeyo mulkigaaga oo idil dadyahow, muhindiskii yeeshay Mahad iyo salaad qudha muxuu kaaga heli waayey ? Si’aan mirif xanuun kuu helaa, marino kaa raacin Ama dhiiga meermeerayaa,meel xun ugu daadan Maqaarkaaga sare oogaduu, kugu manaystaaye Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey ? Inta maal aduunyiyo hadii, dahab lasoo miiso Miyirkaaga oo qudha ayaan, lagu mataaleyne Mucjisada jidhkaagoo idili, waa mihniyo yaabe Mawlaha intaa wada khalqee, waliba maareeyi Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey ? Malaa’iigta Eebiyo nafluhu, waw musbaaxsadaye Mid yar iyo mid weyn mawlahay, mayna caasiyine Aadmigaa midii laga rabay, moran ka joogaaye Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey? Muunida salaadiyo ilaa, miiqa dhigo waagu Shimbiruhu macbuudkood mashxarad, wey u mariyaane Mana oga halkay manfac iyo,midho u doontaane Nafta lama masuugee adoon, maalin qudha waayin Mar’uun saw qalbigu Eebahaa, uma muraaqoodo? Milada iyo diinta hadaad, Maad ka dhiganaysid Ma ogtahay fircoonbaa hortaa, eeday magacaase Isaguba intuu Muuse waday,wuu ka maagsadaye Manhajkii Ilaah soo direy wuuska , maanacaye Mushmushaaxsi noloshaa yar iyo, marin habowgeeda Aduun wa marad jeceshay ood, muudso leedahaye Iyo maray macaan iyo qadhaadh, midina roonayne !! Marna maro yarbaa lagu ridaa, maydka aad tahaye !! Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waaye ? Maqribkii salaad loo kacoo, mu’adin eedaamay Waa maraad macaash raadisood, malo awaashaaye Ka mabsuudi mayside ilayn, waa mur iyo leefe Muslinimada aan haysaniyo, diintu waa magane Shanta milay nin weysada gabaa, malaha iimaane Kol haduu mugaaguba yahay, noloshan meeraysa Inaad muumino sheegataa, wayska meel madhane Mahad iyo salaad qudha muxuu, kaaga heli waayey Masalada dadkani moogyahaan, kuu dul marayaaaye Hadaan Milic ilays diiran lihi, madax salaaxaynin Dhirtu maba magoosheen midhana,lagama goosteene Markuu waagu soo muuqdo ee uu, midab guduud yeesho Meegaaris goortuu wakhtigu, kala maleegmaayo Mugdigii habeenimo ayuu, kaa malmalayaaye Midigtiisa saw Eebahay, laguma maashoodo MAHAD IYO SALAAD QUDHA MUXUU KAAGA HELI WAAYEY? Maxamuud Cabdilahi Rooble email: roobleamin@gmail.com Seattle USA Qaran News Share this post Link to post Share on other sites