Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan Looga Hadlay Amniga Caasimadda oo Muqdisho Lagu Qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiiru dowlaha amniga xukuumadda Federalka Soomaaliya  Maxamed Cali Xagaa oo guddoomiyay Kulan looga hadlayay Amniga oo ay ka qeyb galeen Hay’adaha Amaanka dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta amniga iyo hirgelinta xeerka xakameynta Hubka Caasimada ee dhawaan ay soo saartay dowladdu, waxaana madasha ka hadalay mas’uuliyiin dhowr oo tilmamay muhiimadiisa.
Kulanka ayaa warbixino looga dhageystay Taliyeyaasha Ciidamada isku dhafka ah ee Howlgalka Ciiltire sida, Boliiska, Nabadsugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare oo si xoojin ah ula shaqeynaysa Ciidanka Amaanka.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this