Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii u danbeeyay ee dagaalka ka socda dalka Sudan

Recommended Posts

Deeq A.   
129382985_generals.jpg?resize=976%2C549&

Militariga Sudan ayaa maanta beeniyey in ay ka war hayaan xabbad-joojin 24 saac ah, kadib markii madaxa ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo uu xaqiijiyey inuu ogolaaday xabbad-joojinta sida ay sheegta VOA-da.

“Waxaan galnay marxalad xasaasi ah, waxaana dadaalkeenu uu diiradda saarayaa sidii loogu guuleysan lahaa hadafyada heerka howlgal,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga kadib maalmo ay dagaallo dhex-marayeen ayaga iyo ciidamada Dacmu Sariic.

Jeneraal Xamdaan, oo sidoo kale loo yaqana Xamedti, ayaa goor hore sheegay inuu ogolaaday xabbad-joojin 24 saac ah si loo ogolaado marin nabdoon oo ay helaan shacabka loona daad-gureeyo dhaawaca.

Xamedti ayaa intaas ku daray in ciidamada militariga ay ku guul-darreysteen inay ixtiraamaan xabbad-joojinta, ayna duqeeyaan goobo ay shacabka ku badan yihiin islamarkaana halis geliyeen nolosha rayidka.

PUNTLAND POST

The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka ka socda dalka Sudan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this