Deeq A. Posted April 18, 2023 Militariga Sudan ayaa maanta beeniyey in ay ka war hayaan xabbad-joojin 24 saac ah, kadib markii madaxa ciidamada sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo uu xaqiijiyey inuu ogolaaday xabbad-joojinta sida ay sheegta VOA-da. “Waxaan galnay marxalad xasaasi ah, waxaana dadaalkeenu uu diiradda saarayaa sidii loogu guuleysan lahaa hadafyada heerka howlgal,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay militariga kadib maalmo ay dagaallo dhex-marayeen ayaga iyo ciidamada Dacmu Sariic. Jeneraal Xamdaan, oo sidoo kale loo yaqana Xamedti, ayaa goor hore sheegay inuu ogolaaday xabbad-joojin 24 saac ah si loo ogolaado marin nabdoon oo ay helaan shacabka loona daad-gureeyo dhaawaca. Xamedti ayaa intaas ku daray in ciidamada militariga ay ku guul-darreysteen inay ixtiraamaan xabbad-joojinta, ayna duqeeyaan goobo ay shacabka ku badan yihiin islamarkaana halis geliyeen nolosha rayidka. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee dagaalka ka socda dalka Sudan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites