Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaabka ku sugan Ceelbuur oo sida la sheegay Hubkoodii ku wareejiyay odayaasha dhaqanka degmadaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan degmada Ceelbuur ayaa hubkoodii ku wareejiyay odayaasha dhaqanka degmadaas, sida ay tebisay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in wareejinta hubka lagu go’aamiyay kulan ay Al-shabaab iyo odayaasha degaanka ay ku yeesheen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Al-shabaab ayaa sidoo kale dagaallamayaashooda ku sugan Ceelbuur waxay ku amreen in ay shacabka ku milmaan halka horjoogayaasha sarena isaga baxayaan degaanka sida ay tibaaxday SONNA.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in Al-shabaab ay go’aankaas qaateen kadib markii culays uga yimid ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku wajahan Ceelbuur si ay uga saaraan maleeshiyaadkaas.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaabka ku sugan Ceelbuur oo sida la sheegay Hubkoodii ku wareejiyay odayaasha dhaqanka degmadaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this