Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Yabooh oo Gurddoomiyey Shirka Degmooyinka Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa shir guddoomiyay kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda hoose ee Xamar, kaas uu goob joog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale Afrax iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka.
Shirkan ayaa Inta uu socday waxaa warbixina quseeya xaaladaha Degmooyinka iyo howlaha ka socda laga dhageestay mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka, iyada oo arrimaha laga hadlay ay kamid yihiin.
1- Howlgalada Amni ee ka socda Caasimadda.
2- Arrimaha lagu maareynayo Mooto Bajaajta oo dhawaan laga soo saaray sharuuc lagu hagayo.
3- Furista qaar kamid Wadooyinka Magaalada Muqdisho ee u xiran sifa aan sharci aheyn.
3- Dardargalinta Nadaafada iyo bilic soo celinta.
5-Xoojinta la dagaalanka Maandooriyaha iyo Ciyaal Weerada.
6- U diyaar garowga Muunaasada Ciidul Fidriga.
Ugu dambeyn Guddoomiyaasha Degmooyinka Iyo Aggaasimayaasha kulanka ka qeybgalay ayaa la furay in ay si hufan u gutaan mas’uuliyada ay bulshada u hayaan.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this