Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo Somaliland ka dalbatay in ay si deg deg ah oo shuruud la’aana ku joojiso dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
32279641_1957567904305963_63643923056919

Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa Somaliland ka dalbaday in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku joojiso dagaalka Laascaanood.

Bayaan ka soo baxay Midowga Yurub ayaa hoosta ka xarriiqay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda Laascaanood, islamarkaana ciidamada loo kala qaado goobo lagu heshiiyey.

” Saaxiibada ayaa carrabka ku adkeeyay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, ciidamadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey” ayaa lagu yiri bayaankaas.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in saaxiibada caalamka ay ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada gargaarka bani’aadannimo iyo gaarsiinta caawimaadda ee kuwa u baahan.

Saaxiibada bayaanka soo saaray ayaa ka kooban Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, UK iyo Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo Somaliland ka dalbatay in ay si deg deg ah oo shuruud la’aana ku joojiso dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this