Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada xoogga dalka Qeybta 60-aad ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanno dhowr ah oo hoostaga magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Deegaannadaan ay ciidanku la wareegeen ayaa kala ah Adeegow, Dhaydhayka, Tabarow, Walak iyo Arbasale oo 45 KM dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi.

Ciidamada xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii dambe ka waday howlgallo deegaanno  ka mid ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this