Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir oo kormeeray degmooyin dhaca duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
gobolka9999-860x574-1.jpg?resize=860%2C5

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska ayaa caawa kormeeray Degmooyinka dhaca duleedka Muqdisho.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida xaalada amniga Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta laamaha Amniga, maamulada degmooyinka iyo bulshada, waxaana goobaha la kormeeray kamid ahaa Degmooyinka xiga galbeedka ee Muqdisho gaar ahaan Saldhiga cusub ee Degmada Kaxda iyo Saldhig Galbeed ee Degmada Dharkeenley halkaas oo ay ku diyaarsanaayeen ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay xasilinta Caasimadda.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir oo kormeeray degmooyin dhaca duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this