Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliska Puntland oo shir la yeeshay Saraakiisha Amniga Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1681634105829.jpg?resize=720%2C48

Boosaaso, Aprl, 16 2023: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire oo safar shaqo ku jooga Gobolka Bari ayaa maanta shir muhiim ah la qaatay Saraakiisha Booliska.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay Taliye ku-xigeenka Ciidanka CID Puntland, Ku-simaha Taliyaha qeybta Gobolka Bari Ahna Taliye ku xigeenka Gobolka, Taliyeyaasha Saldhigyadda Boosaaso.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa saraakiisha Booliska kala hadlay xaaladda amniga ee Gobolka, hawl-galda lagula diririayo cadowga falalka amni lidka aah wadda.

Taliyaha ayaa saraakiisha faray in wadajir ah looga qayb qaato amniga magaalada Boosaaso maadaama ay soo dhowdahay maalinka ciida loona baahan yahay in lasiilaba jibaaro shaqooyinka amni ee socda si  looga hortago waxyaabaha ay ummadda usoo maleegayaan cadowga.

DHAMMAAD

The post Taliyaha Booliska Puntland oo shir la yeeshay Saraakiisha Amniga Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this