Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Colaadda ka aloosan dalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay colaadda ka aloosan caasimadda dalka Suudaan ee Khartuum halkaas oo uu shalay ka qarxay dagaal culus.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya Ciidamada iyo Xoogagga Birmadka Deg-degga ee Jamhuuriyadda Suudaan.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay muujinaysaa sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya Ciidamada iyo Xoogagga Birmadka Deg-degga ee Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Suudaan”. Ayaa lagu yiri Qoraalka.

Dowladda Federaalla Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed”. Ayuu sii raaciyay Qoraalkaas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Colaadda ka aloosan dalka Suudaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this