Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo Gaaray Deegaanno Hor leh+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo iskaashanaya ayaa Al-shabaab maanta kala wareegay deegaanka Budbud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Dowlad Gobaleedka Galmudug.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sarreeyo Guuto Cabdullaahi Cali Caanood oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in deegaanka laga saaray.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa maalmihan howlgallo ka waday tuulooyin hoostaga deegaankaan, waxaana ugu dambeyn maanta ay gudaha u galeen deegaanka Budbud.

Gowlgalka ciidamada ee deegaannada bariga iyo galbeedka gobolka ayaa waxaa la sheegay inuu ku wajahan yahay sidii ciidanku ay kula wareegi la haayeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

FB_IMG_1681570052367.jpgFB_IMG_1681570049567.jpgFB_IMG_1681570046757.jpgFB_IMG_1681570043981.jpgFB_IMG_1681570041095.jpgFB_IMG_1681570038160.jpgFB_IMG_1681570035161.jpgFB_IMG_1681570031398.jpgFB_IMG_1681570028350.jpgFB_IMG_1681570024819.jpgFB_IMG_1681570021689.jpgGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this