Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciyaaryahan Dil iskuxukmay oo isku fuliyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciyaaryahan Dil iskuxukmay oo isku fuliyey

Ciyaaryahanka kubadda cagta ee reer Tunisia Nizar Issaoui ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay dab uu is qabadsiiyay .

Waxaa uu ka cabanayay isaga iyo dibadbaxayaal kale “cadaalad darada booliiska”, sida ay sheegeen qoyskiisa.

Muuqaal la soo dhigay internet-ka ayaa la arkayay isaga oo ku qeylinaya in lagu eedeeyay argagixisanimo ka dib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah dadka iibiya khudaarta.Qoraal kale oo uu soo dhigay ayuu ku sheegay in uu isku xukumay “Dhimasho isaga oo is gubaya”.

Aaskiisa ayaa waxaa uu isu badalay dibadbaxyo caro wata oo ka dhacay Jimcihii magaalada uu ku dhashay ee Haffouz, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Nizar Issaoui ayaa ahaa 35 jir. Ficilkiisu waxa uu ahaa mid dadka dalkaasi dib u xusuusinaya mudaaharaadkii 2010-kii kaasi oo ka bilaabmay ka dib marki uu dab is qabadsiiyay Maxamed Bouazizi .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this