Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir saddex geesood ah uga qaybgalay Addis Ababa + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
341270247_240292645299979_65025218813570

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa ka qaybgalay shirka saddex-geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya, kaas oo maanta ka dhacay magaaladaasi.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihion iskaashiga amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu lafo-guray danaha wadajirka ee ka dhaxeeya saddexda dowladood, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha muhiimka u ah shucuubtooda.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya oo madasha khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, isaga oo shaaciyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab oo halis ku ah gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la wadaagay madaxda shirka guulaha miro-dhalka ah ay sida wadajirka ah u gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan ka xoreynta dalka ee Al-Shabaan, isaga oo tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah Al Shabaab, hurmuudna u noqota horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaareyaasha dalalka Talyaaniga iyo Itoobiya, Marwo Giorgia Meloni iyo Abiy Axmed ayaa dhankooda bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray wajiga koowaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay xuseen ahmiyadda ay u leedahay in dalalka Gobolka iska kaashadaan la dagaalanka Al-Shabaab, gaar ahaan dalalka dariska la ah Soomaaliya ee la isku yiraahdo waddamada safka hore.

Isbaheysigaan cusub ee seddaxda dal ay yeelanayaan ayaa hadda billow ah, waxaana laga war sugayaa sida ay u hir-geliyaan iskaashi u gaar ah oo ay sameystaan.

Horay Soomaaliya waxay iskaashi seddax geesood ah sidaan oo kale ula sameysatay dalalka Itoobiya iyo Eritrea, balse wuxuu isbaheysigaas meesha ka baxay, markii uu xukunka Soomaaliya wareejiyey madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.

FB_IMG_1681559363597.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681559361126.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681559358572.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681559356219.jpg?resize=696%2C46 FB_IMG_1681559354023.jpg?resize=696%2C46 341270247_240292645299979_65025218813570

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir saddex geesood ah uga qaybgalay Addis Ababa + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this